Xukuumadda Somaliland oo Cisbitaallo cusub ka fureysa Sool iyo Sanaag

0
Friday January 21, 2022 - 09:19:30 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1832
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda Somaliland oo Cisbitaallo cusub ka fureysa Sool iyo Sanaag

    Maadama aanay markii hore labadan gobol lahayn cisbitaalo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maadama aanay markii hore labadan gobol lahayn cisbitaalo

Wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland ayaa cisbitaallo lagu daawaynayo dadka qabba xannuunada dhimirka ama maanka ka hirgalinaysa gobollada Sool iyo Sanaag.


Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa VOA uga warramay xili uu ku sugnaa magaalada Laascaanood.



Dr. Xergeeye isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi."Cisbitaalkan Maanka ee aanu ka hirgelinayno degmada Laascaaanood waxa uu ka mid yahay, laba cisbitaal oo wasaaradda caafimaadku u astaysay in ay ka dhisto gobollada Sool iyo Sanaag.


Maadama aanay markii hore labadan gobol lahayn cisbitaalo lagula tacaalo xannuunada Maanka waxa ay wasaaraddu go’aansatay in labadaasi gobol ka dhisto cisbitaalada maanka, oo dhab ahaantiina ah cisbitaalo waa weyn, waxaana midkiiba ku baxaysa 400-kun oo dollar.


Dhawr bilood ka hor ayaanu dhagax dhignay, balse maanta waxa aanu halkan u joognay in dhismihiisi la bilaabo.


Muddooyinkii u danbeeyay ka wasaarad caafimaad ahaan waxa aanu ku hawlaneyn sidii kor loogu qaadilahaa, adeega loo fidiyo dadka Maanka ka xannuunsanaya oo dhab ahaantii ah dad dhibaataysan, oo aan lahayn cid u hadasha, ahna bulsho muuqata, isla markaana saameyn ku bulshada qaybaheeda kala duwan. 

Meelo badan ayaanu u marnay, bajadkii wasaaradda ayaa la kordhiyay, ugu danbeyna anaga oo


 iskaashanayna wasaaradda maaliyada, iyo ganacsatada qaadka ayaa waxa loo helay mashruuc gudaha, oo isku tashigiisa aanu Qaran ahaan leenahay in wax lagaga qabto, marka cisbitaaladani waxa ay ka mid yihiin mashaariicaha aynu wadno,”

Loading...
Loading...