Darawal Shiineys Ah Oo Loo Ganaaxay Arin Cajiib Ah
Sida uu sheegay wargeyska Jilu Evening Post, ninka oo lagu magacaabay Liu ayaa Isniintii gaari ku waday magaalada Jinan ee bariga gobolka Shandong, waxaana uu gacanta la aaday wejigiisa xilli uu marayay jid ay kaamerooyinka taraafikada ku xiran yihiin.
Waxyar kadib ayaa waxaa usoo dhacay farriin loogu sheegayo inuu jebiyay shuruucda wadooyinka, oo uu gaariga waday isagoo "telefoon haysta". Farriinta ayaa waxaa la socday sawirka ay kaamerooyinka ka qaadeen.
Sidoo kale waxaa loo sheegay in laba dhibcood laga jaran doono laysenkiisa, isla markaana laga doonayo inuu bixiyo ganaax lacageed oo dhan 7.25 dollar.
Liu ayaa wixii ku dhacay la wadaagay dadka adeegsada barta ay bulshada Shiinaha ku wada xiriirto ee Weibo. Waxa uu dadka la wadaagay farriinta loo soo diray iyo weliba sawirka laga qaaday, isagoo intaa ku daray in mas'uuliyiinta uu si fool ka fool ah ugu sharrixi doono waxa dhacay maadaama ay telefoonka isku fahmi waayeen.
Wargeyska Global Times ayaa markii dambe shaaciyay in mas'uuliyiinta taraafikada ay la laabteen dacwaddii loo haystay Liu, iyagoo sheegay in weji xoqashadiisa loo maleeyay inuu telefoon ku hadlayay.
Dalka Shiinaha ayaa waxaa hadda ka howlgala in ka badan 170 milyan oo ah kaamerooyinka wax ilaaliya, waxaana jira qorshe ah in 400 oo milyan oo dheeraad ah lagu kordhiyo marka la gaaro sanadka 2020.
Inta badan kaamerooyinkaasi waxaa ku xiran barnaamij ay kamid yihiin kuwa lagu aqoonsado wejiga qofka, qaarkoodna waxa ayba qiyaasi karaan da'da, jinsiga iyo isirka qofka ay sawireen.
BBC