Jubbaland & Koonfur Galbeed oo shaaciyay Jadwalka doorashada 6Kursi.

0
Thursday January 20, 2022 - 10:28:01 in News by
  • Visits: 754
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jubbaland & Koonfur Galbeed oo shaaciyay Jadwalka doorashada 6Kursi.

    Doorashada Golaha Sahcabka soomaaliya ayaa u muuqata mid hada Dardar ku socota....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Doorashada Golaha Sahcabka soomaaliya ayaa u muuqata mid hada Dardar ku socota....

Guddiyada hirgelinta Doorashooyinka Heer Dowlad Goboleed ee Maamulada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa shaaciyay jadwalka doorashada Saddex kamid ah kuraasta Golaha Shacabka, kuwaas oo ka mid ah kuraas ay guddiyada horay u shaaciyeen.


 

Qoraal kasoo baxay Guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay in Maanta oo Khamiis ah ay bilaabi doonaan soo Diiwaangalinta iyo Shaacinta Guddiga Xulista Ergada, halka Maalinta Sabtida ah ay ku dhaqaaqi doonaan Tababarida Guddiga iyo soo Gudbinta Ergooyinka.



Sidoo kale Guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed waxaa ay sheegeen in 23 Bishan oo ku beegan Maalinta Axadda ah ay bilaabi doonaan Diiwaangalinta Ergada iyo tababarka Ergada.


Ugu dambeyn 24-ka Bishaan oo ku beegan Isniinta so socota Gudsiga ayaa diiwaangelin doona musharrixiinta Saddexda kursi halka Maali ta talaadada ah oo ku eegan 25 Bisha Janaayo Magaalada Baydhabo lagu qabanayo doorashada Saddexda Kursi.


Kuraasta doorashooda ay qabanayaan Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay kala yihiin.


1: HOPHO56 oo uu ku fadhiyo Maxamed Jaamac Mursal.


 

2: HOP02 oo uu hadda ku fadhiyo C/laahi Sheekh Maxamed.


 

3: HOP 231 oo uu ku fadhiyo Maxamuud Macallin Yaxye


 

Dhinaca kale Guddiga doorashooyinka Heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland ayaa soo bandhigay jadwalka doorashada Saddex kamid ah kuraasta Golaha Shacabka.


 

Qoraal ay soo saareen Guddiga ayaa waxaa ay sheegeen in 22 Bishaan oo ku beegan Maalinta Dabtid ah ay bilaabi doonaan soo Diiwaangalinta iyo Shaacinta Guddiga Xulista Ergada, halka Maalinta Axadda ah ay ku dhaqaaqi doonaan Tababarida Guddiga iyo soo Gudbinta Ergooyinka.


 

Sidoo kale Guddiga doorashooyinka Jubbaland waxaa ay sheegeen in 24 Bishan oo ku beegan Maalinta Isniinta ah ay bilaabi doonaan Diiwaangalinta Ergada iyo tababarka Ergada.


 

Ugu dambeyn 25-ka Bishaan oo ku beegan talaadada soo socota Guddiga ayaa diiwaangelin doona musharrixiinta Saddexda kursi halka Maalinta Arbacadaha ah oo ku eegan 26 Bisha Janaayo Magaalada Kismaayo lagu qabanayo doorashada Saddexda Kursi.


 

Kuraasta Golaha Shacabka ee Maamulka Jubbaland uu doorashadoodu 26-ka Bishaan ku qabanayo Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ay kala yihiin.


 

1: Hop126 oo uu hadda ku fadhiyo Maxamed Xasan Idiris (Ganeey).


 

2:Hop118 oo uu ka geeriyooday Wasiir kuxigeenkii Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada Soomaaliya Saqar Ibraahim Cabdalla.


 

3: Hop127 oo uu ku fadhiyo Cali Cismaan Xirsi.


 

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa shalay Magaalada Baydhabo ku qabtay doorashada 5 kursi, waxaana sidoo kale la filayaa in Maamulka Jubbaland uu Magaalada Kismaayo ka bilaabo doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka.

Loading...
Loading...