Wasiir Katirsan Somaliya oo si adag ugu jawaabay xildhibaankii waday dooddii aqoonsiga Somaliland

0
Thursday January 20, 2022 - 10:14:41 in News by
  • Visits: 1698
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Katirsan Somaliya oo si adag ugu jawaabay xildhibaankii waday dooddii aqoonsiga Somaliland

    Wasiir Jamaal oo si adag ugu jawaabay xildhibaankii waday dooddii aqoonsiga Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir Jamaal oo si adag ugu jawaabay xildhibaankii waday dooddii aqoonsiga Somaliland

Wasiirka Qorshaynta ee dowladda Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan, ayaa si adag uga jawaabay qoraal uu bartiisa twitter-ka soo dhigay xildhibaan Gavin Williamson oo ahaa xildhibaankii aqalka barlamaanka UK horgeeyay mooshinka looga doodayay aqoonsiga Soomalaland.


Wasiir Jamaal ayaa qoraalkiisa ku sheegay in xildhibaanka ka tirsan Baarlamaanka UK uu yahay jaahil aan aqoon badan u lahayn arrimaha gudaha dalka Soomaaliya.



"Tani waxay dhab ahaantii muujinaysaa jaahilnimadaada ku aadan xaaladda gudaha ka jirta. Qof si sharaf dhac leh looga ceyriyay shaqadii uu dowladdiisa u hayay ka dib markii uu dusiyay sirar la xirriira amniga qarankiisa ma aha inuu farageliyo arrimaha gudaha ee dal madaxbanaan.”ayuu yiri wasiir Jamaal.


Xildhiaban Gavin oo dooda u soo bandhigayay xubnaha aqalka baarlamaanka ayaa sheegay in la joogo xilligii ay UK aqoonsan lahayd Somaaliland.


Hase yeeshee Baarlamaanka UK ayaa isku raacay in arrinta aqoonsiga Somaliland ay u taal heshiis ay la gaarto dowlada Soomaaliya. Si kasta ha ahaatee wadahadaladii u dhexeeyay dowlada federalka soomaaliya iyo maamulka la magac baxay Somaliland ayaa istaagay kadib markii kulamo dhowr ah ay isku soo horfariisteen labada dhinac.

Loading...
Loading...