Hanaanka Qabyaladaysan ee WADDANI. Qore Mukhtar Cilmi

0
Thursday January 20, 2022 - 09:48:26 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1260
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hanaanka Qabyaladaysan ee WADDANI. Qore Mukhtar Cilmi

    Asalaamu calaykum waraxmatulaahi Wabarakaato.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Asalaamu calaykum waraxmatulaahi Wabarakaato.

Saaxadda Siyaasadda Somaliland Waa Mid Soo Martay Marxalado Kala duwan Tan Iyo Markii Ay Ay Somaliland Qaadatay Nidaamka Xisbiyadda Iyo Tartanadda Furan Waxa Jiray Ururo Iyo Xisbiyo Siyaasadeed Oo La Kowsaday Habdhaqano Iyo Nidaamyo U Gaar Ah Oo Isugu Jiray Kuwo Togan Iyo Mid Tabanba.

 

Iyadoo Ay Sidaas Tahay Hadaba Hadii Aynu Soo Qaadano Shantii Sano Ee U Danbeeyey Ama Doorashadii Golaha Deegaanka Ee Sanadkii 2012 Kii Waxay Suurta Galisay In Dalku Uu Yeesho Sadex Xisbi Qaran Oo U Tartama Doorashada Madaxtimo Ee Somaliland,, Kuwaas Oo Marka Laga Reebo Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Waddani Ay Labada Xisbiyee Kale Ee Kulmiye Iyo Ucid Ay Ahaayeen Kuwo Hore Ugu Soo Jiray Siyaasada Somaliland Oo Hore Tartano Madaxtinimo Usoo Wajahay.

 

Tan Iyo Markii Uu Ururkii Waddani Isu Badalay Xisbi Qaran Kana Mid Noqday Sadexdii Xisbi Qaran Ee Usoo Baxay Inay U Tartamaan Doorashada Madaxtooyada Ee Ayaa Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Waddani Uu La Kowsaday Hanaan Firfircoon Hase Yeeshee Bulshada Somaliland Ayaa Walaac Xoogan Ka Muujiyey Hanaanka Qabyaaladaysan Iyo Dublimaasiyada Beelaysan Ee Aasaaska Iyo Gundhiga U Ah Xisbiga Waddani.

 

Marka Laga Tago Bulshada Rayidka Ah Waxaa Jiray Siyaasiyiin Waawayn Oo Ka Mid Ahaa Aasaasayaashii Waddani Iyo Kuwo Markii Danbe Kusoo Biiray Oo Hadafkoodu Ahaa Inay Qayb Ka noqdaan Yagleelida Xisbi Qaran Oo Hirgalin kara Yoolka Iyo Hadafka Dalka Iyo Dadkaba, hase Ahaatee Markii Ay Soo Shaac-Baxday Nidaamka Huursan Ee Qabyaalada Ku Salaysan Ee Xisbigaas Waxa Bilaabantay Siyaasiyiin Miisaan Culus Oo Kamid Ahaa Xisbiga Waddani Inay Iska Casilaan.

 

Marka sooyaalkaas maamuleed la wada soo ururiyo xisbigan noqon kari mayo xisbi maamuli kara qaran dhan sida Somaliland, xaafad yar in u maamusho aya ugu haboon oo hagbad noqota lkn qaran iyo kursi ila maaha.

 

xisbigan mar walba waa layska wada casila sababtuna way cadahay bal daawada video walba ay doobaan cid walba iska casilay xisbiga in ay ku sheegaan talada xisbigan meel gaar ah ayay ka timaada wax wada shaqayn toonana aani ka jirin. sanadkan waa dawubi doonta waddaniyow ee bal ila arka doorashooyinka ururuada ee MAY 2022 !.

 

Qore Mukhtar Cilmi

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...