Xildhibaan Gavin oo Mar kale Difaacay Qadiyada Somaliland

0
Thursday January 20, 2022 - 09:42:05 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1716
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Gavin oo Mar kale Difaacay Qadiyada Somaliland

    "Tani waxay muujinaysaa faham la'aan buuxda oo ku saabsan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Tani waxay muujinaysaa faham la'aan buuxda oo ku saabsan



Xildhibaan Gavin Alexander Williamson ayaa mar kale difaacay qadiyada madax-banaanida Jamhuuriyadda Somaliland, ka dib hadal kas oo yeedhay Wasiirka Arrimaha Afrika ee dowladda UK.


Xildhibaan Gavin Alexander ayaa Victoria Grace Ford ku tilmaamay wasiir raad barad ku ah siyaasadda iyo arrimaha Jamhuuriyadda Somaliland waxaanu xasuusiyey, arrinku marka uu yahay mid siyaasad samayn la xidhiidha, doorka ugu weyn in uu leeyahay Baarlamaanku, kaas oo hadda Somaliland u arka xaqiiqo aan indhaha laga qarsan karin.



"Tani waxay muujinaysaa faham la’aan buuxda oo ku saabsan xaqiiqada siyaasadeed ee ka jirta goobta. waa muhiim in wasiirada da’da yar ay dhageystaan ​​baarlamaanka maadaama ay tahay doorka baarlamaanku in uu wax ka sheego siyaasadda. Waxaanu muujiyay inuu jiro heshiis ballaadhan oo ay dawladda UK ku doonayso inay aqoonsato Somaliland” ayuu ku yidhi qoraal uu ku baahiyey barah bulshada .


Xildhibaan Gavin Alexander Williamson ayaa cay iyo aflagaado kala kulmay qaar ka mid ah madaxda dawladda taagta daran ee Soomaaliya iyo shakhsiyaad ay adeegsatay kuwaasi oo ka gam’i waayey guusha Somaliland u soo hoyatay.


Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Somaliland Dr Ciise Kayd ayaa sheegay in kulankani ahaa mid lagaga wada hadlayey danaha labada dal iyo iskaashiga dhinaca ganacsiga.

Loading...
Loading...