Xildhibaan Xukuumadda ku Bogaadiyay Qadiyada Ictiraafka

0
Thursday January 20, 2022 - 09:37:22 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 713
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Xukuumadda ku Bogaadiyay Qadiyada Ictiraafka

    Xildhibaanka oo arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaanka oo arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi


Xildhibaan Cabdikariim Maxamed Muxumed oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somalialnd ayaa ku boogaadiyaya Xukuumadda uu hoggaaminayo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, dadaalka ay ugu jirto Ictiraaf raadinta Jamhuuriyadda Somaliland.



Xildhibaan Cabdikariim oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in beesha Caalamka ku majeertay Somaliland marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay, iyo horumarka ay ka samaynay arrimaha ammaanka iyo dimuqraadiyadda, iyo doorashooyinkii xorta ahaa ka qabsoomay dalka.


Xildhibaanka oo arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi "Xidhiidhka Diblomaasiyadeed ee Dawlada Somaliland oo maalinba meel soo marayay, waxa ay muujinaysaa xidhiidhada diblomaasiyadeed iyo hana qaadka Somaliland la samaynayso Wadamada Caalamka, waxaana laynagu majeeranayaa Marxaladihii kala duwanaa ee dalka Somaliland soo maray. waxaana aynu u baahanay in Dawladnimadeena iyo Nabedgalyadeena in aynu halkaa ka sii hano qaadno. waxaana soo badanaya dooda garawshiyaha in Somaliland in la Ictiraafo.”


Xildhibaanka oo hadal kiisa sii wataa waxa uu yidhi "Waxaana aan leeyahay Dawlad kasta oo taageerta Somaliland waa mid aanu ogsoonaan doono,waana in la garab istaago cid kasta oo Somaliland u hiilisa waxaana aan boogaadinayaa Jaaliyadda reer Somaliland ee dalka Ingiriiska ee dareenkooda ku soo bandhigay guriga Baarlamaanka hor tiisa waana aynu u dhabar adaygaynaa wax kasta oo ay inagu qaadanayso qadiyadda Somaliland.”
Loading...
Loading...