Aduunyada Nin Nool Waxwalba Wuu Arkin Xisbiyada Somaliland Kamayeeleyno Sidan

0
Thursday January 20, 2022 - 09:36:11 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1280
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aduunyada Nin Nool Waxwalba Wuu Arkin Xisbiyada Somaliland Kamayeeleyno Sidan

    M J Farah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

M J Farah

Inbadan baa la isku dhuuntay oo qiiqa la isku qarinayey balse waa la kala miirmidoonaa  


Xisbiyada Somaliland waxaa u aasaasanay in ay ka turjumaan dareenka shacbiga Somaliland,balse waxaa muuqata in aaney shacabka Somaliland la dareen ahayn ee ay yihiin kuwo ku caasiyoobey shacbigooda iyo dalkoodaba.  



Waxaa loo baahan yahay dhalinyarada Somaliland iney la xisaabtamaan xisbiyada siyaasadeed ee ay taageeraan.  


Waxaaynu og nahay in dalkan Somaliland uu lee yahay codow badan. Beryahan dambe waxaa kor u kacay Sumcada Somaliland ee Caalamka guulahaasi 98% waxaa masuul ka ah shacbiga reer Somaliland ee wadaniyiinta ah iyaga oo ilaashanaya wadankooda ayey ka qayb qaateen dhismaha nabadgelyada iyo horumarka dalkooda.  


Waa jiraan Siyaasiin,ganacsato, cuqaal.aqoon yahano iyo dad badan oo si daacada u aaminsan dalkooda jecelna,balse waxaa jira kuwo dilaaliin siyaasadeed ah oo horfadhiya umada reer Somaliland dhib mooyee aan dheefna u lahayn. 


Waxaa jira kuwo Xisbiyada siyaasada madaxdooda ka mid ah oo markey hadlayaan aad ka yaabeysid codkarnimadooda waa markay ina tusayaal dhaliilo ama galdaloolooyin run ama been midka ay doonaan ha ahaadeene.

  

Balse marka ay jiraan arimo aad muhiim ugu ah Qaranimada wadanka aan la maqal oo dhuunta hada.  


Fiidnimadii shaley ee  18/01/22 Baarlamaanka UK ayaa dood ka yeeshay arrinka gooni isu taagga Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana ajandaha baarlamaanka hor keenay xildhibaanka lagu magacaabo Gavin Alexander Williamson .  


Dhamaan dadka reer Somaliland laga soo bilaabo bilowgii totobaadkan ilaa maanta waxay isha ku hayeen dareenkoodana ku muujinayeen guushaa taariikhiga ah,dhalinyaradu waxay dareenkooda ku muujinayeen baraha bulshada waxaana ka muuqdey farxad iyo sida ay u rabaan in ay mar uun arkaan dalkooda oo ku biira UN ta lana a

qoonsado.  

Waxay ahayd in Siyaasiintu iyo aqoonyahanadu diyaariyaan banaanbaxyo lagu taageerayo doodaasi  


Xisbiyadii siyaasada iyo Kooxihii Aftahamiinta ahayd waxay galeen hurdo dheer oo laguma arag taageero iyo abaabul siyaasadeed xitaa hambalyo loo muujinayo MP Gavin iyo kooxdiisa waxaan booqday baraha bulshada ee xisbiyada Somaliland waxaanan ku arkey waxyaabo aan la yaabey  

 

Wadani waxaa aan kala kulmay in xitaa raad ku saabsan Qadiyadaasi aqoonsiga Somaliland ka muuqan waxbana laga hadlin sida aad ku arkeysid website kiisana waxaa uu yahay mid laga lee yahay Somaliya waayo : www.xisbigawaddani.com/so/ 


2- Xibiga Ucid | UCID Party (xisbigaucid.com)  

Xisbiga Ucid isagana Website wax macluumaad ah ka helimeysid oo la xidhiidha dhaqdhaqaaqan aqoonsiga Somaliland. Facebook giisuna waa la mid  Xisbiga Ucid | Facebook 


3-  Kulmiye Party | Facebook  

Kulmiye maan helin website uu leeyahay balse Facebook ga Kulmiye waxaa ku jiraa waxooga warbixin ah oo ku saabsan doodii shay ee Golaha barlamaanka UK ee qadiyada Somaliland.  

Hadaba kuwaasi halkey inoo wadi siyaasadee ayey inagu hogaamin. 


Waa xisbiyadii aynu ka sugeyney iney inagu hagaan citiraafka iyo wadaniyada ayaa barahoodii bulshada xitaa garan waayey in ay dadka ku wacyigeliyaan. 


Mahadsanidin 

M J Farah  

source: hogaanka.org

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...