"Somaliland Waxay Ku Guuleystay Qabashada Doorasho Qof Iyo Cod Ah" Xildh. Ka Tirsan Baarlamaanka Somaliya

0
Thursday January 20, 2022 - 09:03:59 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1279
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Somaliland Waxay Ku Guuleystay Qabashada Doorasho Qof Iyo Cod Ah" Xildh. Ka Tirsan Baarlamaanka Somaliya

    "halka madaxda dawladda federaalka ee Soomaaliya ay qaban la'yihiin doorasho qabiil"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"halka madaxda dawladda federaalka ee Soomaaliya ay qaban la'yihiin doorasho qabiil"

Hargaysa (HWN) Axmed Mucallim Fiqi oo ka tirsan aqalka hoose ee Barlamaanka Soomaaliya  ayaa sheegay in Somaliland ku guulaysatay Qabashada Doorasho qof iyo Cod ah halka Somaliya ay qaban kari laadahay doorasho qabiil ku salaysan.

 

"Doodda Somaliland waa in si maangal ah oo ka fog laablakac iyo caadufad kale loo galaa, waxayna ka mid tahay qorshayaasha qaranka ee waaweyn.



Qof jecel ma jiro in uu wax ku darsado shirkad sii degeysa ama maamul xumo iyo musuq la deris ah.

 

Somaliland waxay ku guuleystay qabashada doorasho qof iyo cod ah oo daahfuran oo ay ka qaybgaleen dadweyne gaadhaya 700 kun oo qof iyo Xisbiyo siyaasadeed, halka madaxda dawladda federaalka ee Soomaaliya ay qaban la'yihiin doorasho qabiil ku salaysan oo ay ka qayb galayaan dadweyne gaadhaya 27,270 qof oo ay qeyladhaanta iyo boobku uu daba-socdo.

 

Barlamaanka Ingiriisku ka hor waa in aan annaga Soomalida ahi ka wada-hadalnaa, dabarkana la iska furaa waa aragtidayda.." ayuu yidhi

Loading...
Loading...