Masaajid Loogu Magac Daray Sarkaal Ka Tirsanaa Golihii Sare Ee Dawladii Kacaanka Oo Muqdisho Laga Furay
Muqdisho(HWN):-Raysal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa xadhiga ka jaray masaajid loogu magac daray Axmed Saleebaan Dafle oo ka mid ahaa saraakiishii dawlada kacaanka ee soomaaliya.
Masaajidkan oo laga dhexdhisay xarunta nabad sugida soomaaliya ee NISA ayaa dhismihiisu socday afartii bilood ee ugu dambeeyey.
Munaasabada lagu furayay masjidkan cusub waxaa goob joog ka ahaa Wasiiro katirsan Xukuumada Soomaaliya iyo sidoo kale saraakiil ka tirsan Hay’ada Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka.
Masaajidkan oo loogu magac daray Axmed Saleebaan Dafle oo ahaa taliyihii ugu horeeyey ee hay’adda sirdoonka iyo nabad sugida soomaaliya ayaa loogu tala galay inay ku cibaadaystan shaqaalaha iyo masuuliyiinta hay’adda nabad sugidu.
Hadhwanaagnews.com/Muqdisho
Soomaaliya