Waa Kuma Gavin Williamson, Kaas Oo Dooda Madax Banaanida Somaliland Soo Hordhigaya Barlamaanka UK ?

0
Wednesday January 19, 2022 - 18:45:56 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1444
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa Kuma Gavin Williamson, Kaas Oo Dooda Madax Banaanida Somaliland Soo Hordhigaya Barlamaanka UK ?

    Khaalid Ibrahim Dhucda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khaalid Ibrahim Dhucda

Gavin Williamson ayaa 25-kii June 1976 ku dhashay magaalada Scarborough, North Yorkshire ku taalla Waqooyiga England.

 

Gavin Waxa uu siyaasadda ku biiray sanadkii 2001 xilligaas oo loo doortay golaha deegaankiisa. Sanadkii 2010 ayuu markii ugu horreysay ku guulaystay inuu baarlamaanka UK ku matalo Koonfurta Staffordshire. Isaga oo kasoo baxay xisbiga Conservative party.

 

Gavin Williamson Waa mudane ka tirsan xisbiga talada haya ee Conservative, waxaana uu hadda kamid yahay xildhibaannada ugu magaca dheer.

 

Waxa uu lasoo shaqeeyay Theresa May 2017-2019, Dhammaadkii sanadkii 2017 ayaa waxaa loo magacaabay xoghayaha difaaca ee UK, markii laga casilay shaqadaana 2019 waxa lagu eedeeyay inuu sira dalku lahaa faafiyay sida ay sheegtay Theresa May oo raysal wasaare kasoo noqotay dalka UK 13 July 2016 – 24 July 2019, taasoo lagu eedeeyay inuu xidhiidh la sameeyay  ama xog siiiyay shirkadda  Hawaii mashruuceeda 5G ee muranka badan aduunyada galiyay, xogo kale waxay sheegayaan in shaqada laga caydhiyo waxa sababtay isku dhac ka yimid isaga iyo Philip Hammond oo ahaa Chancellor of the Exchequer (Guddoomiyaha Qasnada) oo ay isku qabteen dano siyaasadeed oo ahyd inay UK isu diyaariso 2019 to Brexit.

Waxa kale uu la shaqeeyay raysal wasaaraha hadda haya xilka Boris Johnson 2019- 2021 isaga oo noqday xoghayah waxbarashada, waxaanuu ku beegamay wakhtigii adkaa ee COVID19 aduunyda soo galay, taasoo meel walba oo wax barasho ay xidhnayd,

 

Williamson wuxuu taageere u ahaa 2016 'Remain' oo ahayd kooxda diidanayd in laga baxo yurub intii lagu jiray aftidii Brexit ee 2016, laakiin wuxuu si deg deg ah u taageeray (Brexit) oo uu hogaamiyay raysal wasaaraha hadda UK  ee Johnson.

 

Williamson waxa kale uu kasoo hor jeedaa Guurka dadka isku jinsiga ah, isaga oo taageeray guurka labada qof ee kala jinsiga ah, sida shareecada islaamku banaysay.

 

Waxaana uu si wayn u taageersanayhay qadiyadda madax banaanida #SOMALILAND, sida bartiisa Twitter ka ku cad.

 

Xogta: politics.co. uk ????????

Khaalid Ibrahim Dhucda


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...