Cabdiraxman Cabdishakuur Oo Ka Hadlay Dood Baarlamaanka UK Ee Aqoonsiga SLAND

0
Wednesday January 19, 2022 - 18:30:49 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2954
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cabdiraxman Cabdishakuur Oo Ka Hadlay Dood Baarlamaanka UK Ee Aqoonsiga SLAND

    "Heshiisyadii shirkii London waxba kama fulin, sababtoo ah maamulkii Madaxweyne hore Farmaajo"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Heshiisyadii shirkii London waxba kama fulin, sababtoo ah maamulkii Madaxweyne hore Farmaajo"

Hargaysa (HWN) Musharraxa madaxtinimada ee Soomaaliya Cabdiraxman Cabdishakuur ayaa qoraal dheer oo uu boggiisa Facebook soo dhigay kaga hadlay dooddii uu xildhibaanada baarlamaanka dalka Ingriisku ka yeeshay arrinta aqoonsiga Somaliland.

 

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraalkiisa ku sheegay inay u muuqato in jaaliyada reer Somaliland ee dalka Ingiriiska ay hawl abaabulan oo lagu doonayo aqoonsiga Somaliland qabsadeen.

 

Cabdiraxman Cabdishakuur ayaa qoraalkiisa ku yidhi sida tan:

 

"Xildhibaankii codsaday dooddii kulan waynaha kaddib dhacay (adjournment debate) loogana doodday aqoonsiga Somaliland iyo xildhibaanadii kale ee ku ra’yiga ahaa waxaa cadaadis kaga yimid deegaan doorashadooda. Waxaa muuqata in jaaliyada reer Somaliland ee dalka Ingiriiska ay hawl abaabulan oo lagu doonayo aqoonsiga Somaliland qabsadeen.

 

Xilligii uu Raysalwasaaraha ahaa David Cameron si toos ah ayuu xafiiskiisu gacanta ugu hayey arrinka Soomaaliya. Ku xigeenka la taliyaha amniga qaranka ee Raysalwasaaraha ayaa 3-dii bil-ba dalka mar soo booqan jiray, halka wasiirka arrimaha Dibedda uu bil kasta Madaxweynaha la hadli jiray. Afrika, Soomaaliya iyo Nayjeeriya ayaa mudnaanta koowaad si isku mid ah ugu lahaa wasaaradda arrimaha dibedda ee UK.

 

Madaxweynaha xilkiisa dhammaaday markii uu xafiiska yimid waxaa la qabtay shirkii London oo ay marti gelisay Theresa May oo ahayd Raysalwasaaraha dalka Ingiriiska. Ujeedka shirka ayaa ahaa in la xoojiyo wadashaqaynta Soomaaliya iyo beesha caalamka, si aysan u nuxuusin taageerada uu adduunku siinayo Soomaaliya.

 

Shirka waxaa wadajir uga qaybgalay Madaxwaynaha haatan xilkiisu dhammaaday iyo madaxdii dowlad Goboleedyada oo idil. Somaliland shirka kama qaybgelin, laakiin waxaa loo tixgeliyey in qaab u gooni ah loogu taageero dhanka gargaarka bani’aadanka iyo arrimaha horumarka la xariira, lana xoojiyo wadahadalka Dowladda Federaalka ah iyo Somaliland.

 

Heshiisyadii shirkii London waxba kama fulin, sababtoo ah maamulkii Madaxweyne hore Farmaajo ayaa dagaal ku qaaday dowlad goboleedyadii iyo mucaaradkii. Halkii Somaliland lagala hadli lahaana, dagaal sii fogayn ah ayuu ku qaaday. Halkii uu doorasho ka qaban lahaa, markii muddo xileedkiisii idlaaday, ayuu isku deyey muddo kororsi keenay gacan ka hadal iyo in dalku ku sigto dagaal sokeeye, welina qoorta ayuu ugu jiraa Raysalwasaarihii dalka.

 

Markii la eego xaalka Soomaaliya ay maanta ku sugan tahay iyo loolanka Juqraafi siyaasadeed ee quwadaha waaweyn iyo kuwa dhexe ee Geeska Afrika waa mid welwel wayn leh. Doorashada soo socoto waa masiiri, saameyn weynna ku leh mustaqbalka Soomaaliya.

 

Haddaba waa in aan caadifadda, qof jeclaysiga iyo kooxaysiga meel iska dhignaa oo aan xoogga saarno sidii aan xaaladdan cakiran kaga lug bixi laheyn, isla markaana u dooran laheyn hoggaan aragti iyo karti u leh samata bixinta, una kaadino ciddii lahayd sababta halkan ina dhigtay, kuwii qaybta ka ahaa ama ka aamusnaa.”


Loading...
Loading...