Saddexda magaalo ee UK ee laga aqoonsan yahay Somaliland

0
Wednesday January 19, 2022 - 17:40:50 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1481
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saddexda magaalo ee UK ee laga aqoonsan yahay Somaliland

    Mr Williamson ayaa horay u booqday Hargeysa intii uu wasiirka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mr Williamson ayaa horay u booqday Hargeysa intii uu wasiirka


Xildhibaannada baarlamaanka UK ayaa maanta billaabay dhageysiga dood ku saabsan aqoonsi raadinta Jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland, hase ahaatee waxaa jiray dhowr magaalo oo horayba usii aqoonsanaa Somaliland.



Wasiirkii hore ee gaashaandhigga UK, haddana ah mudane ka tirsan baarlamaanka, Gavin Williamson, ayaa gadaal ka riixaya mooshinka oo aan la fileynin in isla maantaba go’aan laga soo saaro.

Mr Williamson ayaa horay u booqday Hargeysa intii uu wasiirka ahaa, dhawaana waxa uu qaabilay wasiirka arrimaha Dibadda ee Somaliland, Dr Ciise Kayd Maxamuud oo booqasho ku tagay Ingiriiska.


Inkastoo UK aysan si rasmi ah u aqoonsaneyn Somaliland, haddana waxay xafiis ku leedahay Hargeysa, waxayna maamulka Somaliland siisaa caawinaad.


Laakiin dhanka aqoonsiga, waxaa jira maamullo ka jira gudaha UK oo si toos ah u aqoonsan madaxbannaanida Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday gooni isu taagga.

Saddex magaalo oo ka mid ah ismaamullada hoose ee dalka Ingiriiska.

Birmingham

Sheffield

Cardiff

Jaaliyadda Somaliland ee ku nool magaalooyinkan ayaa ku guuleystay in ay dowladahooda hoose ku qanciyaan aqoonsiga Somaliland oo ku adkeysaneysa inay ka go’do Soomaaliya inteeda kale.



 

Qoraalka sawirka,Wasiirkii hore ee gaashaandhigga UK, Gavin Williamson (bidix) iyo madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi

Tallaabadaas ayaa qayb ka ahayd dadaal ay Somaliland ictiraaf caalami ah ku raadineysay tan iyo bishii May ee sanadkii 1991-kii.


Hase ahaatee go’aanka saddexda magaalo ay ku aqoonsadeen dowladnimada Somaliland ma aha mid mas’uul ka ah ama ka turjumaya go’aanka dowladda dhexe ee UK.


Waa maamullo uu go’aankoodu yahay heer degmo oo kaliya, wax shaqo ahna kuma laha siyaasadda arrimaha dibadda ee dowladda Ingiriiska.


1- Birmingham

Waa magaalada Labaad ee ugu weyn England iyo guud ahaan dalka UK, marka laga soo tago London oo ah caasimadda Ingiriiska.


Birmingham ayaa loo yaqaannaa inay tahay caasimadda labaad ee UK. Waxaa ka jira ismaamul hoosaad gaar ah oo ka arrimiya magaalada iyo miyigeedaba.


Waxa ay ku taallaa gobolka West Midlands ee ka tirsan England.


2- Shefield

Magaalada Shefield oo iyada qudheeda ka tirsan England waxay ku taallaa gobolka South Yorkshire.


Waxaa ka jira ismaamul u gaar ah oo hoos taga dowladda federaalka ee UK.

3- Cardiff

 

Waxay labada magaalo oo kale uga duwan tahay in aysan ka tirsaneyn England balse ay ku jirto magaalooyinka uu ka kooban yahay gobolka Wales ee ka tirsan qeybaha ay ka kooban tahay boqortooyada UK.


Cardiff waa magaalada 11-aad ee ugu weyn dalka Ingiriiska.

Loading...
Loading...