Hubanti La'aanta Xamar iyo Hiigsiga Hargaysa oo Gaartay UK.

0
Wednesday January 19, 2022 - 08:10:29 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 923
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hubanti La'aanta Xamar iyo Hiigsiga Hargaysa oo Gaartay UK.

    Xildhibaannada difaacaya Somaliland waxa ay tusaaleyaal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaannada difaacaya Somaliland waxa ay tusaaleyaal



Dooddii uu Baarlamaanka UK a ka yeeshay arrinta Somaliland wax natiijo ah kama soo bixin, waayo danaha siyaasiga ah ee UK iyo habka ay Dunidu maanta u samaysan tahay labadaba uma muuqdaan inay diyaar u yihiin kalagoynta Somalia.


Waxaase fadhiga maanta ka muuqanayay sida ay Somaliland u haysato doodo gadmi kara, iyo sida ay Somalia u kala daadsan tahay. Tan ugu sii daranna waa in 5 sano oo uu Farmaajo dalka joogay ay xitaa Dawladihii waaweynaa oo ay UK ku jirtay aad uga quusteen hore-u-socoshada Siyaasadda Somalia.

Xildhibaannada difaacaya Somaliland waxa ay tusaaleyaal u soo qaadanayeen qaladaadka ay Dawladda Somalia ku kacday, dhanka kalena waxay iftiiminayeen astaamaha wanaagsan ee Dawladnimada Somaliland ay leedahay.

Nabadgaliyo-la'aan, isqabqabsi siyaasadeed, Doorasho aanan daahfurnayn, iyo wax kasta oo Dawlad ceeb ku ah ayaa Somalia tusaalooyin loogu soo qaadanayay. Taas beddelkeedana, waxaa Somaliland lagu sifeynayay dhammaan tilmaamaha Dawlad wanaagsan lagu amaano; sida hirgelinta Nidaam Dimuquraadiyadeed oo ay dadku wax doortaan iyo ku-naaloosho nabad iyo kala-dambeyn.

Waxa keliya ee maanta iyo maalmaha dhawba Somalia u qalbiqaboojinaya waa in niyadda Dalalka waaweyn aysan ku jirin in la kala jaro Dalkeenna. Laakiin taas inta ay damaanad na sii siin karto lama oga, sabab aan dad aan walaalo nahay oo dadaalay u xayirnana maangal maaha; marba haddii ay Xamar sii ahaanayso meel ay Dawladnimadeedu beylah tahay, oo foolxumo maahee aanan wanaag laga rabin.

Waddada keliya ee Soomaalida u wanaagsan waa midnimada oo la xoojiyo. Sida ugu fudud ee ay ku suurtogali kartana waa in ay Somalia doorato Madaxweyne xilkas ah oo dib u soo celiya xiriirkii Caalamka ee sida ulakaca ah loo xumeeyay, sidoo kalena ka shaqeeya hagaajinta Nidaamka Dawladdeed.

Haddii ay taas aan kor ku sheegay sannadkan dhacdo, waxay caddeyn u noqon doontaa inay Dawladda Federaalka Somalia u shaqaynayso raadinta Midnimada Dalka, si la mid ah siday Somaliland ugu shaqayso hirgelinta hankeeda goosashada; mar walbana Federaalka oo dhaqan Dawladeed la timaada ayaa fursad fiican u haysan doonta ilaalinta Midnimadeeda dhuleed, oo ah qodob ay Dunida inteeda kalena ku tixgelinayso...


W/Q Mohamed Dhaaley.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...