Doorashada ururrada ayaa horeysa, sabab?

0
Tuesday January 18, 2022 - 13:54:13 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1515
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Doorashada ururrada ayaa horeysa, sabab?

    ababtu waxa weeyaan in haddii doorashada Madaxtooyadu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

ababtu waxa weeyaan in haddii doorashada Madaxtooyadu


Xisbiyada liisanku waxa uu kaga eegyahay Dec 6, 5 ta sanno ee Madaxweynuhuna waxa ay ku eegtahay Dec 13, waa marka la eeggo wakhtiga dhamaadka; xeerarka waxa innoogu qoran in doorashooyinku farsamo ahaan ka soo horeeyaan wakhtiyada ay ku eegyihiin muddo xileedyadu. Haddii xeerarka la raaco iyo haddii la iska indha tiro oo tafsiir been ah la wareejiyo wakhti ahaan ururradaa horeeya.



Sababtu waxa weeyaan in haddii doorashada Madaxtooyadu dhacdo Nov 13 -xeerka la dabaqo- oo sida ay mucaaradku ku dooddayaanna Madaxweynaha yimaadaa ururrada isagu furo marka uu xilka la wareego 13-ka Dec, iyadoo xisbiyadana liisankoodii dhamaaday Dec 6, waxa soo baxaya isweydiinno ay ka mid yihiin: miyaan firaaq dastuuri ah oo dhanka xisbiyada ahi imanayn? Maadaama oo dastuurku waajibiyey in dalku 3 xisbi oo sharci ah yeesho ma muddo kordhinta sharcidarrada ah ee 7 da cisho iyo wakhtiga kale ee lagu diyaarinayo doorashada xisbiyada ayaa xisbiyada la siinayaa? Yaase awood u leh in ay siiyaan? Intaa wakhtiga doorashadooda la diyaarinayo yaa xaq dastuuri ah u leh in loogu yeedho mucaarad oo xukuumadda la xisaabtami kara? Yaa se muxaafad ah ?


Sababta ururrada doorashadooda iyo doorashada Madaxtooyadaba looga soo qaddimay wakhtigooda ugu danbeeya waa in aan waddanku gelin firaaq dastuuri ah ee wixii farsamo iyo qori-isu-dhiib ah la dhameeyo ka hor. Doorashada ururradu iyada ayaa soo horeynaysa, sababtuna waa in iyaga doorashadooda la qaban karo bil walba oo kamid ah 6da bilood ee ugu danbeeya maadaama oo aan la xaddidin sida ta Madaxweynaha oo ah bil ka hor muddo-xileedkiisa, lagana dhigi karin bisha u danbeysa sida ay rabaan mucaaradku oo ay muddo kordhin iyo firaaq dhanka xisbiyada ahi imanayo. Waxa habboon in KDQ looga danbeeyo timelineka iyo farsamada labada doorashaba.
Abdisalam Rageh
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...