Baarlamaanka Ingiriisku Ma Aqoonsan Doonaa Somaliland?

0
Tuesday January 18, 2022 - 10:53:42 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 982
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baarlamaanka Ingiriisku Ma Aqoonsan Doonaa Somaliland?

    W/Q Rashiid odowaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q Rashiid odowaa

Waxa baryahan Isa soo taraya Dhaq dhaqaaqa Aqoon Raadiska Jamhuriyadda Somaliland intii M/weyne Muuse Biixi uu u magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda Ciise Kayd waxa kaloo iyaduna ku lamaan Madaxa wada Hadallada Somaliland iyo Somalia Dr Edna Aadan oo dadaalkaas kala qayb ahayd dhowaan markii ay wafti shaqo ugu baxeen dalka Maraykanka iyo Ingriiska.



Baarlamaanka UK ayaa Salaasada beri ah lagu wadaa in uu dhegaysto dood ku saabsan Jamhuuriyadda Somaliland  oo kala soo Noqotay madaxbanaannida waddankii la isku odhan jiray Somalia,Dooddan oo uu usoo gudbin doono xildhibaan Gavin Williamson oo laga soo doorto Koonfurta Staffordshire

 

Doodda oo ah mid uu mudanaha ku soo gebagabeyn doono fadhiga maalinta barri  ayaan la filayaa  inay wax ku soo kordhin doonto dhawaaqa isa soo taraya ee loogu Guclaynayo Ictiraaf doonka Somaliland

.

Ma aha markii ugu horreysay ee baarlamaanka UK uu dhegaysto dood ku aaddan aqoonsiga Somaliland oo ka go’day  1991kii Somalia isla markaana Gooni isu taagtay

 

Bishii December 2019, 11 xildhibaan oo u badan xisbiga Labour-ka ayaa gudbiyay mooshin ah in baarlamaanka UK uu aqoonsado Somaliland, maadaama ay ahayd "maxmiyad ay Britain hore u xukumi jirtay".

 

Sidoo kale, golaha deegaanka ee magaalooyinka Cardiff, Sheffield iyo Birmingham ayaa horay u shaaciyay inay aqoosan yihiin "madax bannaanida iyo jiritaanka J. Somaliland,

 

WAA KUMA GAVIN WILIAMSON

 

Gavin Wiliamson  ayaa 25-kii June 1976 ku dhashay magaalada dalxiiska caanka ku ah ee Scarborough ee ku taalla Waqooyiga dalkaasi Ingiriiska

Waxa uu siyaasadda ku biiray sanadkii 2001 xilligaas oo loo doortay golaha deegaankiisa. Sanadkii 2010 ayuu markii ugu horreysay ku guulaystay inuu baarlamaanka UK ku matalo Koonfurta Staffordshire.

 

Dhammaadkii sanadkii 2017 ayaa waxaa loo magacaabay xoghayaha difaaca ee UK, kadibna waa uu July 2019 noqday xoghayaha waxbarashada.ee waddanka Ingiriiska

 

 

 

Wakhtigan hadda la joogo Waa mudane ka tirsan xisbiga talada haya ee Conservative, waxaana uu hadda kamid yahay xildhibaannada ugu Saamaynta badan uguna magaca dheer.baarlamaanka Ingriiska,Si weyn waxa uu u taageera qadiyadda gooni isu taagga Somaliland, sida ku cad bartiisa Twitter.

 

Sida waddamo kale Xukuumadda Britain ma aqoonsano gooni isu taagga Somaliland, Vicky Ford, oo ah wasiirka UK u qaabilsan arrimaha Afrika ayaa bishii November 2021 sheegtay in UK ay Somaliland aqoonsan doonto  marka ay aqoonsadaan waddamada Afrika ay iyaduna diyaar u tahay markaas.

 

Arrimahan Waddanka Britain ka socda waxa uu ku soo beegmayaa xilli uu dhowaan booqasho kaga soo laabatay wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Ciise kayd dalka Maraykanka  isla markaa waxa la filayaa inuu dhowaan Socdaal ugu baxo M/weyne Muuse Biixi Abdi dalka Maraykanka.waxana la filayaa in USA ay wakiil u soo magacawdo Somaliland.

 

Marka Dadaaladaas oo dhan la isku soo Ururiyo waxay u muuqdaan qaar midho dhal noqon doona oo wax ka bedeli doona ugu yaraan xidhiidhka Caalamiga ah ee Somaliland la leedahay Dunida.

 

Reference;BBC

Rashiid Odowaa

[email protected]

063-4101213

 

 

 

 

 

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...