Wasaaradii Qoyska u Adeegtay.

0
Tuesday January 18, 2022 - 10:31:10 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 656
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradii Qoyska u Adeegtay.

    W/Q: Abdirisaq Ahmed Egal.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Abdirisaq Ahmed Egal.

Sanadkii marku ahaa 2012-kii ayaan ka qalin bedeshay dugsiga sare ee Mohamoud Ahmed Ali ee magaalada Hargiesa.



12 gu' oo waxbarasho xidhiidh ah Waxa noloshayda horseed u ahaa adeerkay Aadan Cigaal Jamac oo dhamaan baahikasta oo nolosha ah igu garab joogay tan iyo 6-jirkaygii markii uu Banaanka lagcad iga soo kaxeeyey Qoyskayga oo reer miyi ahaa.

 

Alle cimri dherer ha siiyo adeerkaye sanadkii aan soo afjaray dugsi sare wuxu dhaqaale ahaan tahli kariwaayey inu iga bixiyo geedigii Waxbarashada Ee heer jaamacadeed, Isagoo arintaa ka murugoonaya ayuu si cad iigu sheegay in aan noloshayda maareeyo wixii maanta ka dambeeya oo jaamacad iyo shaqaba in masuuliyadii isaga saarnayd ay aniga igu soo wareegtay.

 

Waxaan markii ba ka fekeray in aan isku dayo bal in aan waxbarashada sii wato oo aan raadiyo Waxbarasho Jaamacadeed oo lacag la'aan ah. waqtigaa aan ka hadlayo 2012-kii  wasaarada Waxbarashada Somaliland Waxay bixin jirtey 300 arday oo jaamacadaha dalka loo qaybiyo si lacag la'aan ahna wax ku barta. Waxaan geed dheer iyo mid gaaban u fuulay sidii aan uga mid noqon lahaa Ardaydaa dawladu Siiso waxbarashada.

 

Arooryo hore ayaan kusoo Jarmaaday Wasarada waxbarashada waxa aan markaa kusoo hagaagay oday kamid ah odayada xaafada oo wasaarada ka Shaqayn jirey si uu tilmaan buuxda iiga siiyo habka iyo hanaanka aan u mari karo waxbarashadaa dawladu bixinayso.

 

Odaygaas ayaa ii tilmaamay xafiiska Agaasimaha wasarada iyo xoghaynta Wasiirka waxaanu isku dayey inu igala hadlo shaqalihii xafiiyadaa madaxda ka ahaa. Eebe mahadii Waxaan galay xafiiskii Xoghaynta wasiirka waxbarashada Samsam cabdi aadan, waxa la ii ogolaaday in wasiirada aan ugu galo xafiiskeeda oo dad 6 qof ah la joogaan oo iyaguna danno ka lahaa. Markii aan sugay in muddo ah ayey igu tidhi adigu maxaad u socotay? yaa ku waday? waa naxay oo dad dhexdood ayaa weydiin kadiso ah laygu soo tuuray hayeeshee waxaan hal-haleel u abbaaray wixii aan u socday una sheegtay baahidii Jaamacadeed ee markaa Dareenkayga ku weynayd, waxaan sidoo kale tibaaxay fursadaha Qaranku bixiyo ee ardayda aan awoodin la siiyo inay Qayb iga siiso iyo in aanan wadan wax garab ah oo qaranka aan xaq ku leeyahay mar hadiiba aan muwaadin ahay.

 

Waxa qolka wasiirada nala jooga wiil markaa ay iskugu kaaya horeyso Waxa wadda hooyadii oo wasiirada ay saaxiib yihiin, hadiiba Waxay la soo booday wiilka hooyadii:  Zamzameey wiilkan aan dhalay ayaan u rabaa shaqo, wuxu dhameeyey Jaamacada Admas waxaan ka baqanayaa inu iga tahriibo ee ii meelee Wasiir.

 

Intii aanay cidkaleba U jawaabin ayey u yeedhay xoghayntii kuna wargalisay inay ku qorto waaxda IT-ga ee wasaarada kuna qorto shaqaalaha ku meel gaadhka ah, waxa ay sidoo kale wasiiradu Wiilka hooyadii u sheegtay 2 bilood kadib inu helayo xuquuq ay ugu horeyso gunno iyo mushaharba.

 

Intaa kadib wasiiradu waxay u soo jeesatay dhinacayga Waxay si dareen la'aan ah iigu sheegtay in fursadihii ay dhamaadeen waqtigan la joogo ardaydiina jaamacadii lagu kala qorey.

 

Waxaan is weydiiyey waxa ayaankayga sidaa ka dhigay wiilkii ila asaaga ahaana ee isagoo aqoon leh tahriib iyo suudal looga baqay geeyey Shaqo markaa lagu bantookhay iyadoo aan cadaalad iyo yaa mudan midna la odhan.

 

Waxay tallo igu siisay in aan sanadka dambe u imaado oo markaa ay iga qayb gelin doonto deeqda Waxbarashada ee wasaarada.

Noloshu waa Rejo iyo yididiilo waxaan Kobtaa ka qaatay dareen ah sanadka danbe fursadaa iska sug hadii aad calaf ku leedahay waad heliye.

 

Wiilkii ayaan iska waraysanay Waxa isaga hal-haleel shaqo u siiyey anigana Waxbarasho jaamacadeed oo wasaradu haysay iga Qadiyey? weydiintaa oo maankayga ka guuxaysay waxa si hagar la'aan ah iiga jawaabay wiilkii oo ii sheegay inay wasiirada isku hayb yihiin,  hooyadii iyo wasiiraduna ay dhab isku garanayaan.

Maalintaas Ayaan dareenada qalbigu wax weyn iga go'een, Calankii iyo dawladnimadii aan muddada dheer ku hoos noolaa ee Qoyska iyo reerka u adeegtay.

 

Tallo Wasaarada Waxbarashada:

Waxbarashadu Qoys iyo qabiil midna ma leh ee hadba kii mudan ayaa haboon in la siiyo si dad iyo dalba u anfaco.

 

W/Q: Abdirisaq Ahmed Egal. 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...