Madaxweyne Cali Guudlaawe Oo Amar Siiyay Hay'addaha Amniga Maamulka Hirshabeelle

0
Tuesday January 18, 2022 - 09:28:44 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 865
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Cali Guudlaawe Oo Amar Siiyay Hay'addaha Amniga Maamulka Hirshabeelle

    Madaxweynaha ayaa ayaa faray saraakiisha hay'addaha Amniga inay xoojiyaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha ayaa ayaa faray saraakiisha hay'addaha Amniga inay xoojiyaan


Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Cali Guudlaawe ayaa  shir gudoomiyay kulanka Amniga Hirshabeelle oo ka qabsoomay Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe.


Kulanka ayaa inta uu socday waxaa looga hadlay dardargalinta amniga guud ee Hirshabeelle iyo sidii amniga u noqon lahaa mid sugan, maadaama maalmaha soo socda la filayo in doorashada Golaha Shacabka ka bilaabato Jowhar.



Madaxweynaha ayaa ayaa faray saraakiisha hay’addaha Amniga inay xoojiyaan oo ay laba laabaan amniga deegaanada Hirshabeelle gaar ahaan Magaalooyinka Jowhar iyo Beledweyne oo ay ka dhacayaan dhowaan doorashooyinka xildhibaanada golaha shacabka.


Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe, Taliyaha Guutada 3aad qeybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, iyo saraakiisha qeybta, Taliyaha Madaxtooyada, Taliyaha Nabada Sugida Hirshabeelle, saraakiil ka socotay taliska booliiska Hirshabeelle iyo saraakiisha qeybta guud ee Gobolka.


Loading...
Loading...