Kala Duwanaasha Labadda Xeer Ee Kala Ah Xeer14/2011 Iyo Xeer14/2021 Oo Ah Ka Maxkamadu Laashey.

0
Tuesday January 18, 2022 - 09:17:51 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1933
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kala Duwanaasha Labadda Xeer Ee Kala Ah Xeer14/2011 Iyo Xeer14/2021 Oo Ah Ka Maxkamadu Laashey.

    Kala reebida Xisbiyada/Ururda ku tartama doorashada Deegaanka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kala reebida Xisbiyada/Ururda ku tartama doorashada Deegaanka

NUXURKA QARARAKII MAXKAMADDA EE SHALLEY. WAXU SI CADD U SHEEGAYA INEY SADDEXDAN XISBI GALAYAAN DOORASHADDA MADAXTOYADDA

 

#Xeer14/2011. Nuruxkiisu waa sidan. Waxuna meesha ka saarey Qodobka lixaad oo noqonaya in Xisbiyaddan Maanta jira Shahaddoodu dhaceyso Maalinta waqtigoodu dhamaanyo oo noqoneysa 26 December,2022.

 

■ Ururadda Cusubi waxa la diwaan galin karaa 26-June2022. Balse qodobkii ku jirey Xeer14/2022. ee ahaa doorasho ma gali karaan oo waxey noqonayaan Saddex Xisbi ee Maanta jira. ururo ku meel gaadha. Halkasu ku burey.

 

Sidaas darteed.

 

■ Waxa cadd in doorashada Madaxtoyadda Saddex xisbi galayaan. Ururadda la sii diwaan galin karo. Balse Doorasahdda furitaanka ururaddu dhaceyso Maalinta 26 December 2022. Waxii ka danbeeya.

 

#Qodobka_6aad

 

Kala reebida Xisbiyada/Ururda ku tartama doorashada Deegaanka

 

1. Saddexda xisbi/Urur ee doorashada Dawladaha Hoose ka hela 20% codadka

 

gobol kasta ayaa loo aqoonsanayaa Xisbi qaran, lana siinayaa shahaadada

aqoonsiga xisbi.

 

2. Haddii hal xisbi oo keliya ku guulaysto doorashada oo uu ka helo 20% codadka. gobol kasta, Guddidu waxay u aqoonsanaysaa xisbiyo Qaran isaga iyo labada. Xisbi ee ku xiga isu gaynta codadka boqolayda gobol kasta.

 

3. Hadii ay is leekaato tirada Boqoleyda Gobolada ee laba Urur ama ka badan waxaa lagu kala saarayaa. Sida ay ugu kala Bataan tiradada guud ee codad ka.

 

4. Haddii ururada siyaasadeed midna gaadhi waayo 20% waxay Guddidu u aqoonsanayaan Xisbiyo Qaran saddexda Xisbi ee ugu tirada badan codadka doorashoonyinka boqolayda gobolada dalka.

 

5. Tobankii (10) sannadoodba mar baa la abuuri karaa Urur Siyaasadeed si waafaqsan Xeerkan. Hase-ahaatee waa in Urur Siyaasadeed la abuuraa ugu yaraan 6 (lix) bilood ka hor maalinta la qabanaayo doorashada Goleyaasha Deegaanka.

 

XEER14/2021. MAXUU ODHANAYEY OO AH XEERKA MAXKAMADDU LAASHEY.

 

#Qodobka_8aad

 

Muddada Shahaadda Xisbinimo

1. Mudadda Shahaadada Xisbinimo ee xisbiyada Qaranku waa toban (10 sano) oo ka bilaabanta taariikhda Shahaadda Xisbinimo la siiyay.

 

2. Shahaada Xisbigu/Ururku waxa uu ku heli karaa ka qayb-galka Doorasho toos ah oo loo qabtay Ururada iyo Axsaabta, Islamarkaana uu si rasmi ah uga mid noqday Saddexda Xisbi si xeerka waafaqsan.

 

3. Xisbiyada ay ka dhacdo mudadda shahaadada Xisbinimo ee la siiyay, ma geli karaan doorashada madaxtooyada, Wakiillada iyo Deeganka, waxayna ahaanayaan xisbiyo ku meel-gaadh ah ilaa intaa laga qabanayo doorasho toos ah oo ay ku soo baxayaan xisbiyo Qaran.

 

4. Ururrada cusub iyo xisbiyada ka qayb-galaya doorashada tooska, waa in diiwaangalintooda la qabtaa lix bilood ka hor dhammaadka muddada Shahaadda Xisbinimo.

 

Xeerka maxakmaddu ku sheegey inu yahey dhaqan gal. Waxu cadeeyana in shaahadda Saddexdi hadda jiraa ey tahey mid ey ku gali karaan doorashadda Madaxtooyadda sidda ku cad qodobka lixaad, farqadiisa shanaad.

 

Hadaba waxa sidaa ku cadd in doorashadi Madaxtoyadda loo diyaar garoobi karo. Ururadda cusubna la diwaan gali karo 26june-2022. Balse doorashadoodu dhaceysey waxii ka danbeya 26 December 2022.

 

Waa bilaahi towfiiq.

 

Ahmed Nour Guruje

Garyaqaan Ahmed Ismael

Garyaqaan Muuse Yuusuf

Garyaqaan Jamaal Hussein Mandeela

Ali Hamud

 

Hon-Envoy Abdirizak Diinaari


Loading...
Loading...