Madaxwayne Muuse Biixi Oo Udhoofay Itoobiya

0
Tuesday January 18, 2022 - 08:38:03 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1684
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwayne Muuse Biixi Oo Udhoofay Itoobiya

    Safarkan oo aan la ogayn ajandayaashiisa ayaa uu shalay shaki geliyay Gudoomiy Faysal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Safarkan oo aan la ogayn ajandayaashiisa ayaa uu shalay shaki geliyay Gudoomiy Faysal

Hargaysa (HWN) Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo Wefti uu hoggaaminayo ayaa saaka safar ugu baxay caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa kadib, martiqaad rasmi ah oo uu ka helay Madaxda dalka Itoobiya.

 

Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi oo diyaarad khaas ah ka raacay madaarka Cigaal ee Magaalada Hargeysa ayaa waxa safarkiisa ku wehelinayey Wasiirka horumarinta Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire,iyadoo ay ka sii horeeyaan Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr Ciise Kayd, Wasiirka Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka Cabdirisaaq Ataash iyo Ergayga Ictiraaf Raadinta Jamhuuriyada Somaliland Dr Edna Aadan.

 

Booqashadan rasmiga ah ee Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland ku tagay dalka Itoobiya aya waxa uu la kulmi doonaa Madaxda Itoobiya oo ay ka wada hadli doonaan xidhiidhka soo jireenka ah ee labada dal iyo xoojinta horumarka iyo nabadgalyada Geeska Afrika.

 

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xili murano siyaasadeed ay ka jiraan Somaliland

 


Loading...
Loading...