Go'aanka Maxkamada Sare Oo Shaaca Ka Qaaday Aqoon La'aanta Sharciga Ee Golaha Wakiilada

0
Monday January 17, 2022 - 21:02:15 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1905
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Go'aanka Maxkamada Sare Oo Shaaca Ka Qaaday Aqoon La'aanta Sharciga Ee Golaha Wakiilada

    Hadaba 46 xildhibaan waa tiradii badnayd ee Golaha Wakiilada hadii lagu qiimeeyo waddada qardajeexa ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hadaba 46 xildhibaan waa tiradii badnayd ee Golaha Wakiilada hadii lagu qiimeeyo waddada qardajeexa ah

Hargaysa (HWN) Siyaasi Cali Guray ayaa sheegay in inta badan xildhibaanada Golaha wakiilada Somaliland ay ka muuqato inayna aqoon ulahayn sharciga, Siyaasiga ayaa sidaasi ku sheegay qoraal uu baahiyay oo udhignaa sidan:-



NIN AMBADAY HALKUU AADAY WAY ULA EKOONAATAY

Runtii anigu maan jeclaysan go’aankii 46ka xildhibaan khilaafkii golahooda ay Maxkamadda Sare xal ugala doonteen. Waxan u arkayay niman degdegay oo aan xataa ka firsan ama garanayn waddada ay u marayaan dacwad dhiibashadooda.


Sida ay ku sababaysay maxkamaddu qaraarka ay ka gaadhay waxa ay ugu yeedhay dacwadoodii arji ay 46 xildhibaan u soo gudbiyeen iyo warqad uu ku saxiixnaa Gudoomiye Xigeenka 1aad ee Golaha Wakiiladu toosna ugu socodsiiyay Gudoomiyaha Maxkamadda Sare.


Waxa mahad ilaahay ah sida saxa ah ee cadaaladda ee Maxkamadda Sare ku sababaysay qaraarkeeda ay ka gaadhay arintii Xildhibaanadu u gudbiyeen oo ay ku soo koobtay laba qodob oo keliya oo kala ah "Diidmo iyo Oodis” una dhignaa sidan:


               Qaraarka Maxkamadda

Maxkamadda Sare Ee Dastuurka JSl:

1. Waxay diiday arjiga ay Maxkamadda u soo    gudbiyeen 46 Xildhibaan ee Golaha Wakiilada JSl iyo qoraalka uu ku saxiixan yahay Guddoomiye xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada JSl ee ku taariikhaysnaa 21/12/2021 ujeedadooduna ahayd codsi ku saabsan fasiraaadda qodobka 78 firqadiisa 3 iyo 77, fiqradihiisa 5aad iyo 6aad ee Dastuurka JSl ee la xidhiidha kaabista iyo wax-ka-bedelka xeerka nadaamka ururada iyo xisbiyada siyaasadda Xeer Lam 14 2021 iyada oo Maxkamadda Sare u aragtay in nuxur ahaan iyo xeer ahaan midna u waafaqsanayn nidaamka dacwad furashada dacwadaha dastuuriga


2. Waxay ooday galdacwadeedkan waxana la farayaa Kaaliyaha Sare ee Maxkamadda Sare ee dastuurka JSl in uu ka tirtiro galdacwadeedkan diiwaanka dacwadaha dastuuriga


Hadaba 46 xildhibaan waa tiradii badnayd ee Golaha Wakiilada hadii lagu qiimeeyo waddada qardajeexa ah ee ay qaadeen maaha in ay haysay waayo aragnimo la’aan uuni balse qaraarka Maxkamadda Sare ayaa laga fahmi karaa in Xildhibaanada Golaha Wakiilada intooda badan ay hayso aqoon darro sharci iyo maamul. Waxa ka daran waxa ka muuqata intooda badan in aanay weli garan in ay yihiin gole qaran oo masuuliyadoodu ay tahay masuuliyad-wadareed. Hadii ay arintan cashar ka Bartaan dabcan mustaqbalka waxa ka muuqan isbedel oo ku degdegi maayaan arimaha xilkooda ah ee golahooda ay kaga doodi karaan aakhirkana cod ku kala bixi karaan in ay meelo kale ula kala kacaan. Hadda ogaadana waxay u badan tahay in Xeer Lam.14 2021 uu mar kale hor iman doono golahan eh


Ilaahayna sida san ha waafajiyo

Loading...
Loading...