Golaha Wakiilada Oo Lagu Canaantay Inay Miisaaniyada Duuduub Ku Ansixiyaan

0
Sunday January 16, 2022 - 10:01:10 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1187
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Wakiilada Oo Lagu Canaantay Inay Miisaaniyada Duuduub Ku Ansixiyaan

    "Sidoo kale ma jiro wax faraqa oo ay keentay taageeradii faratoon iyo khaliif"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Sidoo kale ma jiro wax faraqa oo ay keentay taageeradii faratoon iyo khaliif"

Hargaysa (HWN) Garyaqaan Jamaal Maandeella ayaa sheegay in ayna jirin wax farqiya oo udhaxeeya golihii hore ee Wakiilada Somaliland oo dadku aad udhaliili jireen iyo golaha haatan Fadhiya ee dhawaanta la doortay.



Garyaqaanka ayaa intaasi ku daray in uu aad uga soo horjeedo in miisaaniyada qaranka duuduub lagu ansixiyo

Garyaqaan Mandeella ayaa sidaasi ku sheegay qoraal uu baahiyay oo udhignaa sidan:-

 

"Waxii aan inta badan mucaaradka u ahaa ee in khaliif la doorto aan u taageersanaa waxa ay ahayd in la helo Gole Wakiilo oo xukuumadda sharciga ku ilaaliya. Gaar ahaan in aan arimaha xaga xukuumadda ka yimaada oo miisaaniyadu ka mid tahay aan duuduub lagu ansixin.


Waan ka xumay waxa maanta Golaha Wakiilada ka dhacay iyo miisaaniyada duudubka lagu ansixiyay. Haddii ay sidaa ku sii wadaana ma jirto wax faraqa oo iyaga iyo kuwii ka horeeyay ee dhaameel quutayaasha ahaa u dhaxaynaaya.


Sidoo kale ma jiro wax faraqa oo ay keentay taageeradii faratoon iyo khaliif la kala  taageersanaaa.Waayo? Waxii aanu faratoon kaga soo horjeednay waxa uu ahaa in aan xukuumada iyo Goleha Wakiiladu isku milmin.

Waar kadaaya ayaanu leenahay" Garyaqaan Jamaal Maandeella.

Loading...
Loading...