Hanaanka Lagu Dooranayo Xildhibaanada Cusub Ee Maamulka Jubboland Oo La Shaaciyey

0
Friday May 24, 2019 - 14:59:27 in News by
  • Visits: 1978
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hanaanka Lagu Dooranayo Xildhibaanada Cusub Ee Maamulka Jubboland Oo La Shaaciyey

    Hanaanka Lagu Dooranayo Xildhibaanada Cusub Ee Maamulka Jubboland Oo La Shaaciyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hanaanka Lagu Dooranayo Xildhibaanada Cusub Ee Maamulka Jubboland Oo La Shaaciyey


Kismaayo(HWN):-Guddida doorashooyinka maamulka Jubboland ayaa shaaciyey qaabka lagu soo xulayo xildhhibaanada cusub ee baarlamaanka kuwaas oo dooran doona madaxweynaha cusub.

Related image


Kulan dhexmaray guddida doorashada iyo odayada dhaqanka ee deegaanka Jubboland ayaa lagaga hadlay qaabka lagu soo dooran karo xildhibaanada cusub, iyada oo madaxda dhaqankana la hordhigay qorshe ay dejiyeen guddida doorashooyinku.


Guddida doorashada maamulka Jubboland iyo madaxda dhaqaka ayaa dood dheer ka dib isku raacay hanaanka lagu soo dooranayo xildhibaanada cusub kaas oo ah in beel kasta oo leh hal xildhibaan ay guddida doorashada u gudbiyaan magacyada sadex xubnood oo midkood la soo xulan doono, kuwaas oo ay soo xulayaan madaxda dhaqanku.


Sidoo kale odayaasha dhaqanka ee maamulka Jubboland ayaa ku baaqay in cidii cabasho ka qabta nidaamkaasi ay timaado deegaanada maamulka si loo qanciyo isla markaana qayb ka noqdaan hanaanka doorashooyinka ee maaulka Kismaayo.

Loading...
Loading...