Hir-Shabeelle oo in hub lala galo ka mamnuucday Garoomada Diyaaradaha Jowhar & Beledweyne

0
Sunday January 16, 2022 - 08:39:20 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 375
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hir-Shabeelle oo in hub lala galo ka mamnuucday Garoomada Diyaaradaha Jowhar & Beledweyne

    Sababta ka dambeysa amarkaan ayaa ah in Jowhar iyo Baladweyne

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sababta ka dambeysa amarkaan ayaa ah in Jowhar iyo Baladweyne


Wasaaradda Amniga DG Hir-Shabeelle ayaa mamnuucday in hub lala galo Garoomada Diyaaradaha Jowhar oo caasimadda Dowlad-Goboleedkaas ah & Baladweyne xarunta Gobolka Hiiraan si loo adkeeyo nabadgalyada Garoomadaas.

"Wasaaradda Amniga Hir-Shabeelle waxa ay Hay’adaha ammaanka gaar ahaan Booliiska & Nabadsugidda ku wargelineysaa in Garoomada Diyaaradaha Jowhar iyo Baladweyne laga mamnuucay hub lala galo laga bilaabo 15ka Janaayo 2022, waa lala xisaabtami doonaa cid weliba oo jebisa amarkaan” ayaa lagu yiri Xaanshida Wasaaradda Amniga Hir-Shabeelle.


Sababta ka dambeysa amarkaan ayaa ah in Jowhar iyo Baladweyne ay ku wajahan yihiin musharixiin, ergada dooraneysa Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad iyo shaqsiyaad dano kale u tagaya Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Wasaaradda Amniga DG Hir-Shabeelle waxa ay ku baaqday in lala shaqeeyo Hay’adaha ammaanka oo mas’uuliyad gaar ah ka saaran nabadgalyada Garoomada Diyaaradaha Jowhar iyo Baladweyne.

May be an image of text

Loading...
Loading...