Hirshabelle oo shaacisay doorashada 11 ka mid ah kuraasta Golaha shacabka !!

0
Sunday January 16, 2022 - 08:16:02 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 807
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hirshabelle oo shaacisay doorashada 11 ka mid ah kuraasta Golaha shacabka !!

    11 Kursi oo doorashadooda la filayo in dhawaan ka dhacdo Magaalada Jowhar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

11 Kursi oo doorashadooda la filayo in dhawaan ka dhacdo Magaalada Jowhar

Guddiga doorashada Heer Dowlad Goboleed ee Hirshabeele ayaa shaaciyay doorashada 11 kursi oo kamid ah Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.


Kuraasta la shaaciyay ayaa waarkood doorashadooda aad xasaasi u tahay, waxaana Afartii sano ku fadhiyay Siyaasiyiin saameyn ballaaran ku leh Maamulka Hir-Shabeelle.


11 Kursi oo doorashadooda la filayo in dhawaan ka dhacdo Magaalada Jowhar ayaa waxaa kunira Afar Haween ah, waxaana kuraasta ay kala yihiin.


1. HOP#005 oo uu ku fadhiyo Maxamed Cumar Ceymooy

2. HOP#024 oo Afartii sano ee la soo dhaafay uu ku fadhiyay Cabdulkadir Carabow Ibraahim

3. HOP#033 oo uu ku fadhiyo Yuusuf Ibraahim Afrax kabaale

4. HOP#052 oo ay ku fadhiso Farxiyo Maxamud Dhaqane

5. HOP#070 oo uu ku fadhiyo Aadan Cali Xasan

6. HOP#088 oo ay ku fadhiso Dahabo Suusow Maxamuud

7. HOP#097 oo ay ku fadhiso Khadiijo maxamed Diiriye oo hadda ah Wasiirka Wasaaradda Gargaarka ee dowladda Soomaaliya.

8. HOP#098 oo uu ku fadhiyo Maxamud Maxamed Jimcaale

9. HOP#106 oo ay ku fadhiso Muno Xasan Maxamed

10. HOP#115 oo uu ku fadhiyo Cali Maxamed Cumar
11. HOP#140 oo uu ku fadhiyay Sanadihii la soo dhaafay Cabdulkadir Osoble Cali oo kamid ah Midowga Musharrixiinta Madaxweynaha.


Maamulada Galmudug, Hir-Shabeelle iyo Koonfur Gabeed ayaa la filayaa inay noqdaan Maamulada ugu horreeya ee dhaqan geliya heshiiskii Golaha wadatashiga, isla markaana deg deg ku qabta doorashada Golaha Shacabka.


May be an image of ‎text that says '‎Jamhuuridda Federaalla Soomaaliya Guddiga Maamulka Doorashada الفيدرالية الصومال جمهورية Dowlad goboleed d-Hirshabeelle SEIT2020-2021 هرشبیلی الإقليمية الإنتخابات تنفيذ لجنة The State Elections Implementation Team (SEIT) GMDHDX/HSS/003/2022 doorashada Heer Federal Date: 15/01/2022 Guddiga :Xafiska Somaaliya Og: Xafiiska Madaxwaynaha dowlad Goboleedka Hirshabelle SHaacinta Kursi Mogadishu Mogadishu Mogadishu Jowhar Doorashada Golaha Shacabka JFS. Guddiga Hirgalinta Doorashada HIRSHABELLE wuxuu shaacinayaa qabashada kursi ka kuraasta doorashada Golaha shacabka JFS, aalla magaalo madaxda Hirshabelle ee Jowhar. Lr KURSI LAMBAR #HOP 005 #HOP024 #HOP 033 052 070 088 10. 11. #HOP106 #HOP #HOP115 115 #HOP #HOP140 SEIT Ahmed Hassan Dini Gudomiyaha Guddiga Doorashada Hirshabelle Page1of2 of2‎'‎

Loading...
Loading...