Madaxweyne Farmaajo Oo Magacaabay Masuul Cusub

0
Friday May 24, 2019 - 14:42:14 in News by
  • Visits: 3399
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo Oo Magacaabay Masuul Cusub

    Madaxweyne Farmaajo Oo Magacaabay Masuul Cusub

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Farmaajo Oo Magacaabay Masuul Cusub


Muqdisho(HWN):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto Madaxweyne ugu magacaabay Mudane Ibraahim Cumar Mahad Alle (Ibraahim Dheere) inuu noqdo Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Maamulka Maaliyadda Gobolka Banaadir.

Image may contain: 1 person, sitting and eyeglasses


"Madaxweynaha ayaa markii uu tixgeliyay waayo-aragnimada uu mudanuhu xilkan loo magacaabayo u leeyahay howlaha loo magacaabayo waxa uu soo saaray xeerkan.”


Madaxweyne Farmaajo ayaa u rajeeyay Mudane Ibraahim Dheere inuu Eebe u fududeeyo masuuliyadda culus, isaga oo kula dardaarmay inuu si hufan u guto waajibaadka loo igmaday.


Xeerkan lagu magacaabay Guddoomiye Kuxigeenka cusub ee Arrimaha Maamulka Maaliyadda Gobolka Banaadir ayaa ku dhaqangalay saxiixa Madaxweynaha ee Khamiistii, taariikhduna ay ku beeganayd 23ka May, 2019.

DHAMMAAD

Loading...
Loading...