Wasiirka Warfaafinta oo ka Hadlay sida keliya ee Xukunka Dalka lagula kala wareegi karo

0
Saturday January 15, 2022 - 11:42:37 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1369
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Warfaafinta oo ka Hadlay sida keliya ee Xukunka Dalka lagula kala wareegi karo

    awladnimada waxa kaliya ee lagula kala wareegi karaa waa Doorasho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

awladnimada waxa kaliya ee lagula kala wareegi karaa waa Doorasho.
Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigalinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Calo Koore ayaa sheegay in xukunka dalka lagula kala wareegi karo Doorasho xor iyo xalaal ah oo dhacda.


Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa intaa ku daray in dalka marayo meel fiican oo Xukuumaddu ku hawlan tahay in Somaliland noqoto dal ka mid ah Caalamka,waxaanu intaa ku daray in macno weyn aanay samaynayn cayda Warbaahinta laga sheegayo.



Saleebaan Cali Koore oo Arimahaa ka hadlayayna waxa uu yidhi”Waxa aan ku faraxsanay in aynu meel fiican marayno oo Umaddu rabto in aynu hore u socono oo aynu noqono dal ka mid ah dalalka Caalamka,waxaaynu wadnaa in aynu Caalamka xodxodano oo ay ugu horayso xanaha aad hada ka maqlaysaan Caalamka.
ama Yurub ha,noqoto ama Maraykan ha,noqoto waddo dheer ayaynu ku soconaa,waxaanan leeyahay oo ka digayaa in aynaan innagu boqnaha isgoyn inta aynu hayaanka ku jirno,waxaaynu u baahannahay innaga oo xasiloon in aynu la kala wareegno kuraasta innaga oo raacayna waddooyinkii hore ee la soo maray macno weyn samayn mayso cayda iyo xaasidnimadu.

Dawladnimada waxa kaliya ee lagula kala wareegi karaa waa Doorasho xor iyo xalaal ah oo dhacda,waddo kasta ha soo maro qaylo kasta ha,sheego waligiiba ha, cartamo waxa lagula kala wareegi karaa hal cod iyo hal qof sida dastuurka Somaliland qorayo,”.


Sidoo kale Wasiirka ayaa waxa uu ku amaanay Cuqaal iyo Waxgarad ka hadlay ilaalinta Nabedgalyada.Waxaana uu yidhi”Waxa khasab nagu ah in Xukuumad ahaan aanu nidhaahno waad ku mahadsantahay,

Qof kasta oo reer Somaliland ah meel kasta oo uu joogo oo kelmad u yidhaahda Nabada iyo wada noolashaha,waxa aan Hambalyaynayaa Odayaashii Nabada ka hadlay 48 Saacadood ee ugu dambeeyay ee Nabada qiimaheeda sheegay waxa aan leeyahay ka Xukuumad ahaan Hambalyo Hambalyo,waxaanan leeyahay waanu idinku taageersanahay Nabadana waynu ka wadashaqaynaynaa waxaana ay ka turjumaysaa hadalkii uu ku hadlay Oday Xaaji Cabdiwaraabe in uu maray wadadii aabbihii ee Nabadda iyo nolosha Umadda reer Somaliland ku wada noolaan la hayd”.
Loading...
Loading...