Cilmi Baadhis: Qofka oo Lugeeya, Caafimaadkiisa Maxay ka Tartaa?
Lugtu waxay xoojisaa muruqyada, waxaanay dhistaa lafaha. Cilmi badhistani waxay sii caddaysay in dumarka lugeeya ee qaata cuntada ay ku badantahay macdanta Calcium ay yaraato jaaniska ay ku qaadi karaan xanuunka lafaha ama in ay lafahoodu u dabcaan xanuunada. Sidoo kale, waxay yaraysaa kaarka gabadhu ka dareeento kala-goysyda.
Khubadarada caafimaadku waxay isku raaceen in lugtu ay tahay jidh dhiska ugu wanaagsan. Waa jidh-dhis aanay qofka wax dhibaato ahi ka soo gaadhayn. Lugtu waxay u wanaagsantahay qofka markaas bilaabaya jidh-dhis iyo dadka da’doodu waynaatay. Qofku marka uu doonaayo inuu socod jimicsi ah sameeyo waxa uu ku lebisanayaa dhar iyo kabo u suurto gelinaaya in uu socdo.
Marka aad doonayso inaad samayo jimicsi fudud ugu horrayn waxaad diirinaysaa jidhkaaga, adiga oo kale bixinaaya xubnahaaga iyo kale-goysyada gacmaha iyo lugaha kadib adiga oo lugaynaya.
Dhakhaatiirtu waxay ku talinayaan markaad samaynayso socod jimicsi ah waxaa habboon inaad samayso socod dheerayn ah si hab-dhiska neefsashadu uu aad ugu shaqeeyo.
Sadam Osman Kaabash
Hargaysa, Somaliland.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!