Xukuumadii S/Land Oo Safaf Dhaadheer U Galay Xukuumada Soomaaliya Iyo Musharixiinta Soomaaliya

0
Friday May 24, 2019 - 14:36:04 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1567
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadii S/Land Oo Safaf Dhaadheer U Galay Xukuumada Soomaaliya Iyo Musharixiinta Soomaaliya

    Sida ku Cad Xogtan Muuqaalka ah ee hoose,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida ku Cad Xogtan Muuqaalka ah ee hoose,
 Waxaa Cadaatay in Xukuumada Kulmiye Cilaaqaad dhow la leedahay Xukuumada Soomaaliya.



Xoghaye ilkacase wuxuu ugu safray Dalka Kenya inuu kaga Qayb-galo Shir uu Shir-gudoominayey Wasiirka Shaqada & Arimaha Bulshada Soomaaliya, wuxuuna kulanka ku metelayey Maamulka S/land, Halka Maamulada Puntland, Galmudug, Hirshabeele, Koonfur Galbeed & Jubaland-na Xubno shirkan u joogeen. Taasi waxay ka dhigan tahay in Somaliland ahayd Maamul hoos yimaada Soomaaliya.


Dhinaca kale, Weftigii uu Hogaaminayey Wasiirka Arimaha Gudaha S/land ee ku sugnaa Kenya, ayaa la soo xaqiijiyey inay kulamo Goono-gooni ah oo Qarsoodi ah la leeyihiin Xubno ka tirsan Xukuumada Soomaaliya iyo weliba Xubnaha loolanka ugu jira inay Qabtaan Jagada Madaxweyne-nimo ee Soomaaliya.


Sawirkan hoose ayaa ka mid ah Xogag dhowr ah oo na soo gaadhay. Wasiirka iyo Weftiga uu wato ayaa wadahadal kala leh xubnahan Qaabka loogu diyaargaroobayo Doorasho Qof iyo Cod ah oo dalka ka dhacda, sida ay cadaysay Gudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka Somaliya Marwo Xaliima Ismaaciil Ibrahim "Xaliima-yarey", oo Cadaysay in doorashooyinka soo socda ay ka mid noqon doonaan Maamulka S/land, Waa sida ay hadalka u dhigtaye.


Shacabka S/land waxaa la gudboon inay la xisaabtan dhab ah ku sameeyaan Xukuumada iyo Xaalkeeda ku aadan La-Midowga Soomaaliya. Waxaanan ka digaynaa inuusan idin hodin Hadalada Afka Baarkooda ah ee Muuse Biixi mar-walba ka soo Burqada ee ku aadan Cambaarayta Xukuumada Soomaaliya, Hadaladiisu waa "Crocodile tears ", Ilmada yaxaaska "Habeenkiina waa la sheekaystaa Maalintiina waa la Caayaa".


Run ahaan Qorshaha Xukuumada Kulmiye ee ku aadan La-midowga Soomaaliya "Nin ragana waa arkaa Doqona loo sheegi-maayo".


Shacabka S/land waxaan ugu baaqaynaa inaysan ku dhicin Dabinkii 1960 mid la mid ah oo indhahooda oo Labo ah Xoriyadooda hortooda lagu Xaraashin.


Faysal & Xisbigiisa waxba odhan mayno oo waa Carsaanyo Badeed iyagu.


Allow Ma u Dignay.

Afhayeenka Yurub
Xisbiga Waddani
Qasim A Saleebaan
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...