Kaddaa ha taabanin Nabarka Caashaqa?!!!!

0
Saturday January 15, 2022 - 10:06:25 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 719
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kaddaa ha taabanin Nabarka Caashaqa?!!!!

    W/Q yaasiin xasan muuse

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q yaasiin xasan muuse

Waa xili galab ah ammintu waa horaantii hilaaddi 2005.

Waxaan si lama filaan  ah  ugu kulanay mid kamida Abwaannada Soomaaliyeed ee aadka loo jecel yahay xaruntii hore ee dalxiiska oo markaasi ay ku taalay idaacadii Radio Darban ee magaalada Baladweyne gobolka Hiiraan.



Abwaanka maqal mooye horay uma aana arag  balse waxaa hubaal ah inaan aad u jeclaa suugaanta uu tiriyay abwaanku.

 

Xarunta idaacadu waxay lahayd barxad wayn oo lagu nasto sidoo kale odayaasha iyo siyaasiyiintu ku kulmaan waxaa intaa u dheeraa waxay ahayd meel indha u wanaagsan oo wabiga jiinkiisa ku taalay, runtii jawi dagan iyo bilic wanaagsan ayay isku darsatay.

 

Sidaa darteed waxay ahayd barkulan haldoorku iskugu yimaado, gaar ahaan xilliyadda galabtii ah.

Nasiib wanaag galabtaas anniga iyo asxaab kale oo aan hadda ka xasuusto Allah ha unaxariisto Cabdi Cali, iyo fanaan maxamed Jabuuti, waxaan hoos fadhinay geedkii waynaa ee ku horyaalay Studio yaha 2aad ee idaacada.

 

Waxaa nala soo istaagay nin haybad iyo higil ka muuqato, qaar kamida asxaabtii aan wada fadhinay ayaa intay kaceen si qadarin iyo xushmad waynayn ku dheehantahay u salaamay,

Mid kamidda dhalinyaddi nala joogtay ayaa kursiga uga kacay.

Kaddib ninkii odayga ahaa isagoo farxad ka muuqato ayuu fadhiistay.

 

Waa rag iyo caadadii Shaah iyo sheeko, waan wada casariyeeynay balse yammada ayaa lawada galay oo waa lawada aamusay, ninka afkiisa ayaa lawada dhowraya.


Anigoo la yaaban sheekada iyo kaftanka ninka odayga ah, ayaan waxaan waydiiyay Cabdi Cali, wuxuu igu yiri "oo miyaadan garanayn waa Abwaan Maxamed Maxamuud qaaqay' .


Waaw.... Intaan kacay ayaan salaamay waxaana ku  idhi barasho wanaagsan abwaane, waxaan ka mid ahay dadka ku dhaata suugaantaada badwaynta ah.


kaddib kursigaygi intaan soo qaatay ayaan garabkiisa midig soo ag fariistay, markaasan si mug iyo miisan leh u dhuuxay oo u dhagaystay sheekadii abwaanka oo isugu jirtay kaftan qosol leh iyo sheekooyin kale oo ku saabsan waayihii wacnaa ee dalkeenu soo maray iyo wadciga maanta, intaa waxaa dheer sheekooyin la xiriira suugaantiisa iyo raggii ay bah fan wadaaga ahaayeen.

 

Abwaanku waa hadal aqoon aftahana waa xaladeeye xeeldheer, maankiisa waxaa ku kaydsan taariikho badan  taasoo oo u baahnaan lahayd in la weeleeyo.


. Aad ayaan ugu riyaaqay aragtidiisa anigoo ka faa'iidaysanaya kanshahaa qiimaha badan een abwaanka ku helay ayaan waxaan waydiiyay dhowr waydiido oo kala duwan, kuwaaso la xiriira qaar kamida suugaantiisa..

 

Lasoco qaybta 2aad

W/Q..... Yaasiin Xasan Muuse

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...