Cirro Han Iyo Dareen Maleh. Qore Mukhtar Cilmi

0
Saturday January 15, 2022 - 10:04:00 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1074
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cirro Han Iyo Dareen Maleh. Qore Mukhtar Cilmi

    Asalaamu calaykum waraxmatulaahi Wabarakaato.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Asalaamu calaykum waraxmatulaahi Wabarakaato.

Kursi doonka Waxa Ka Mid Ah "Hoggaamiye Dadkiisa La Dareen Ah". Is Waydii Daahanta iyo Dahsoonaha Gurracan Ee Ninka 12 sannadood Ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Somaliland, Hadana Maalin Kaliya Dadkiisa La Dareen Noqon Waayay, Muxuu Soo Waddaa amma Soo Sidaa?. Ma Kursiga Madaxwayne nimo Ayaa Qofka Dareen Toggan Ku Abuura.? Mise Dareen Qofnimo Oo Damiir Aadnimo, Diin, Aragti, Han iyo Waddaniyad Lagu Anqariyay ayaa dhaliya in dadkaaga Dareen Lala Wadaago?. Hoggaamiye Dadkiisa La Dareen Ah Waxa Lagu Yaqaan Xil Gudasho Iyo Hoggaamin Suuban, Haddee Cirro Intaa Ma Leeyahay?. Jawaabtu Waa Maya, Oo Waayo?. Run Ahaantii Ninka 12 Sanno Sharci dejin, halabuur siyaasadeed, iyo hoggaaminta 82-ka Xildhibaan Ee Golaha Wakiiladii hore Ku Hanfaday, ee maanta shuruucdii dalka laysku haysto again waayey maa maanta ayuu la dareen noqday shicibka somaliland 2022?!.

 

musharax Xisbi Mucaarid Ka Dhigi Kari Waayay Xisbi Ka Soo Bixi Kara Kaalintiisi Mucaaridnimo Iyo Buuxinta Jagada Xisbinimo Qaran, Kana Dhigay Xisbi Qadhabi Iyo Dhuxul Ku Reeb Ah, Sidee Ayaa Loogu Aamini Karaa hogaaminta dalka Iyo Yagleelka Ummaad Walaalo Ah Oo Jaanta Iyo Jiibta waddaniyada Isla Hesha Lawyacado Ilaa dhahar?.

 

 

Jawaabtu Waa Maan Gurracan Iyo Garasho Jaan Haddii Cirro Caruur Xil Loo Cumaamado. Guntii iyo Gunaanadkii Cirro Wuxuu iila Muuqdaa Hoggaamiye Ka fikiraya Meel Ka Hoosaysa Unugga Maanka Oo Ka Aradan Dareenka Toggan Ee Garashada Siyaasadda Saliimka Ah iyo Hoggaaminta Dawladnimo Suubban. Sidaa Awgeed In Cirro La doortaa Waa dhiirigalinta cunfiga, qoomiyad jabka, iyo qaran-jabka Jamhuuriyadda Somaliland. Taladu Waa Xagaaga Muwaadin Ee Markan Badbaadi Dalkaaga, Iyo Dadkaaga Si Aynu Ummiyaha Koonka Wax Ula Wadaagno.Waayo Hoggaaminta Cirro waxaa Tusaale Kuugu Filan sida liita u hagaamin moray barlamaanka  12 sanadood kana muuqday golahaas gole Musuqa, Eexda, Qaraabo-kiilka,mana aha non han leh oo wax kala jari kara..

 

Qore Mukhtar Cilmi

[email protected] 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...