Caafimaadka Afka iyo Ilkaha iyo Xogo Ku saabsan.

0
Saturday January 15, 2022 - 09:54:52 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1446
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Caafimaadka Afka iyo Ilkaha iyo Xogo Ku saabsan.

    Qalinkii: SadamOsman Kaabash.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qalinkii: SadamOsman Kaabash.

Jirrooyinka ilkaha ku dhaca, ee aadamuhu ka caban jireen waxay soo jireen muddo dheer. Xanuunada ilkaha cirridka iyo afku waxay ahaayen dhibaato weyn oo dadku ka cawdaan. Taariikda la haayo, daawaynta xanuunada ilkaha iyo afku waxay ka soo bilaabmaysaa boqortooyadii masaarida. Dhiganayaasha laga qoray boqoqrtooyadii Masaarida waxay sheegayaan in masaaridu ay daawayn jireen bararka cirridka iyaga oo isticmaalaya toonta. Qofkii ugu horreeyey ee daaweeya xanuunada ku dhaca ilkuhu waxa uu ka soo jeeda boqortooyada Masar. Taas oo loo yaqaano, "Dhakhtarkii iliga”.

 

Dadweynihii Jayniiska ee noolaa ku dhowaad shan kun oo sano hortood, waxay iska daawayn jireen jirrooyinka iyo kaarka ku dhaca ilkaha iyo cirridka iyaga oo isticmaalaya waxa looyaqaano (acupuncture)- waa turqidda iyadoo la adeegsanaayo irbad. Qaybaha cirridkana lagu duraayo. Sidaas oo ay tahay, jayniisku waxay buuxin jireen ilaha dalooshama ee suusku dilo, iyaga oo ku buuxin jiray biro ay isku farsameeyeen sida birta meerkuri, silfar, iyo tin.

 

Dawladdii Roomaanku waxay door muhiima ka qaadatay cilmiga ilkaha. Iyada oo horseeday farsamaynta nadiifinta ilkaha, daawaynta ilka xanuunka, buuxinta ilkaha dalooshama, u samaynta ilka beeneedyo qofka ay ilkuhu ka daataan.

 

Laga soo bilaabo qarnigii shanaad ilaa shan-iyo-tobnaad, Wadamadii reer yurub marka ay xanuunsadaan waxay u tegi jireen dhakhaatiirta nooca looyaqaano-Barber Surgeon-oo ah dhakhaatiir dadka ku daawayn jiray qalliino fudud, badanaa dadka ay qalliinka ku sameeyaana waxay u dhiman jireen dhiig bax. Dadka ay jidhkooda ku dhashaan qaar kamid ah gooryaanadu waxay ku samayn jireen qallinkaas. Cilmiga daawaynta ilkaha iyo cirridku waxa uu bilaabmay qarnigii afar iyo tobnaad, markii aqoonta iyo wacyiga dhakhaatiirta caafimaadku kor-u-kacay.

 

Cilmiga Caafimaadka ilkaha ee casriga, waxa uu  horumaray qarnigii 17-aad, isaga oo ka soo bilaabmay wadanka faransiiska. Waxaanay ahayd markii Pierre Fauchard, uu daabacay dhiganihiisii la magac baxay "THE SURGEON DENTIST”. Waxa uu ahaa dhiganihii ugu horreeyey ee laga qoro cilmiga ilkaha. Dhiganahani, waxa uu xoogga saarayay caafimaadka ilkaha iyo xanuunada haleela,  iyo qaababka loo ilaaliyo caafimaadka ilkaha, iyo in caafimaadka ilkuhu yahay qab gaara oo sideeda loo baran karo. Dr,. Pierre Fauchard, waxaa loo aqonsaday aabaha cilmiga casriga ah ee ilkaha.

 

Qaabaynta cilmiga ilkuhu waxa si toosa u bilaabmay 1740-kii, markii la yagleelay xaruntii caafimaad ee ugu horraysay ee lagu baranaayo cilmiga ilkaha iyo daawayntooda, gobolka Maryland, Maraykanka. Taas oo horseeday in afar sano kadib, la helo daawooyinka loo adeegsado xummadda iyo kaarka ka dhasha ilka xanuunka.

 

1890-kii, Saynisyahanada Maraykanku waxay ogaadeen in ay Bakteeriya ku dhalato afka qofka, marka uu iska nadiifin waayo waxyaabaha macaanka ah ee uu cuno, taas oo keenaysa in bakteeriyadaasi ay ilkaha ku sii dayso asiidh, aakhirkana ay ilkuhu dalooshamaan- waxaana ka dhasha xanuunka loo yaqaano suuska.

 

Suusku waxa uu caan ka yahay dhammaan bulshooyinka dhexdooda. Khubarada caafimaadka ilkuhuna waxay ku doodayaan in kiimikada asiidha ee ay bakteeriyadu soo dayso layska nadiifiyo intaanay lafta iliga jebin, markasta oo wax la cuno. Diinta islaamkuna waxay sheegtay in qofkasta uu cadaygu waajib ku yahay marka uu wax cuno iyo markasta uu hurdo ka soo baxo. Khubarada ilkuhu waxay ku talinayaan in qofku lixdii bilood ba halmar booqdo dhakhtarka ilkaha si caafimaadkiisa loo hubiyo.

 

 

 

Cirridka ayaa isna qayb wayn ka qaata xanuuunada ilkaha, marka cirridka ku hareeraysan iliga uu caabuq soo galo, waxaa uu dhibaateeya nudayaasha ciridka, oo ay sababto bakteeriya. Haddii bakteeriyada cirridka waxyeelaysa maalinkasta laga cadayan waayo,  waxay sababayaan dahaadhka ku samaysma ilkaha ee  sababa suuska.

 

Macdanta kiimikaad ee loo yaqaano Foloriin ay kaalin wayn ka qaadato caafimaadka ilkaha, iyadoo ka qayb qaadata adkaynta lafta iliga. Khubarada Caafimaadka ilkuhu waxay soo saareen cilmi baadhsiyo lagu ogaaday in macdantan Foloriin ay ilkaha caafimaadkooda qayb wayn ka qaadato. Macdntan inta badan waxaa lagu daraa biyaha dadku cabbaan, daawooyinka qaar, daawada cadayga iyo cuntooyinka qaar.

 

Ugu horrayn, cirridku waxa uu noqdaa mid bararsan, aakhirkana dhiig ayuu samaynayaa marka la cadayanayo, taas oo aakhirka keenta in nudayaasha caabuqaan. Caaabuqani aakhirka waxa uu keenaa inuu waxyeeleeyo lafta iliga, taas oo keenta in iligu soo dhaco. Cilmi baadhis caafimaad baa sheegtay in cirrid xanuunku sababo xanuunada wadna xanuunka, macaanka, iyo faalugga.

 

 

 

Qalinkii: Sadam Osman Kaabash                                                                          Hargeysa, Somaliland.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...