Gabadh 'Si Mucjiso Ah' Ugu Dhalatay Diyaarad Hawada Ku Jirtay Oo Dahab Heshay Islamarkiiba

0
Saturday January 15, 2022 - 08:48:12 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1727
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gabadh 'Si Mucjiso Ah' Ugu Dhalatay Diyaarad Hawada Ku Jirtay Oo Dahab Heshay Islamarkiiba

    "Markii aan kusoo dhawaaday, waxaan arkay haweeneydan oo ku jiifta kursiga"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Markii aan kusoo dhawaaday, waxaan arkay haweeneydan oo ku jiifta kursiga"

Dhaktarad u dhalatay dalka Canada ayaa ka sheekeysay farxaddeeda kaddib markii ay umulisay cunug "mucjiso ah" oo ay ka dhalisay hooyo foolatay xilli ay ku jireen duullimaad ku wajahnaa dalka Uganda.



Dr Aisha Khatib, oo ah barfasoor wax ka dhigta jaamacadda Toronto, ayay qiyaastii hal saac uga harsaneyd inay soo afjarto duullimaadkeeda diyaaradda Qatar Airways oo kasoo baxay magaalada Dooxa kuna sii jeeday garoonka Entebbe ee magaalada Kampala. Balse waxay maqashay qeylo dhaan.


Haweeney qaxooti shaqaale ah oo u dhalatay Uganda, taasoo kasoo safartay dalka Sacuudiga ayaa foolaneysay cunuggeedii ugu horreeyay.


Ilmaha yar oo ku jiray horaanta isbuuca 35-aad ee uurka, ayaa u dhashay si caafimaad leh, waxaana loo bixiyay Caasha Mucjiso, iyadoo loogu magac daray dhakhtaradda.


Dr Khatib, oo kasoo hawo geddisatay shaqo adag oo ay ka heystay Toronto xilli uu socdo cudur safmar ah, ayaa ku nasaneysay kursiga diyaaradda, waxayna ku jirtay lugsii saddexaad ee safarkeeda.


Balse kama aysan labo labeynin markii ay maqashay codka qofka rakaabka weydiinayay inuu jiro dhakhtar saaran diyaaradda.


"Waxaan arkay dad ku xoonsan bukaanka," ayay Dr Khatib ku tidhi wareysi ay siisay BBC-da. Halkaas marka ay xaaladdu mareysay waxa ay u maleyneysay qof marxalad halis badan ku jira, sida wadne xanuun.


"Markii aan kusoo dhawaaday, waxaan arkay haweeneydan oo ku jiifta kursiga iyadoo madaxeeda uu soo jiro dhanka marinka gudaha diyaaradda, lugaheedana ay jiraan dhanka daaqadda. Cuniggana bannaanka ayuu usoo baxayay!"


Dr Khatib waxaa caawiyay labo qof oo rakaabka ka mid ahaa - oo kala ahaa kalkaaliso iyo shaqaale ka tirsan hay'adda Dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn (MSF).


"Cunugta waxay u ooyeysay si xoog ah", ayay tiri. Markii ay xaaladda hooyada la daristay kaddib waxay billowday inay cunuggana eegto caafimaadkiisa.


"Cunugta ayaan fiiriyay wayna fiicneyd xaaladdeeda caafimaad, haddana hooyada ayaan eegay, iyadana way fiicneyd," ayay tiri Dr Khatib.


"Markaas ayaan dhahay, 'Hambalyo waa gabar.' Kaddib rakaabkii diyaaradda oo dhan ayaa sacab isku daray iyo qeylo farxad ah.


"Sheekada qeybteeda ugu fiican waxay ahayd inay hooyada go'aansatay in gabdheeda ay iigu magac darto."

Si ay hadiyad ugu siiso magaca samiga ah ee ay la wadaagto awgiis, dhakhtaraddii waxay soo furtay katiinaddeeda dahabka ah waxayna siisay Caasha Mucjiso. Katiinadda waxaa ku xardhan magaca Caasha oo luuqadda Carabiga ah.


"Waxaan is dhahay sii hadiyad si ay u ogaato in ay wax ka heysato dhakhtaraddii ku umulisay meel hawada sare ah oo dhulka u jirta 35,000ft, webiga Niil dushiisa."


Gabadha waxa ay dhalatay 5-tii bishii December, basle Dr Khatib waxa ay mashquul ku ahayd daweynya bukaannada qaba cudurka Covid ee magaalada Toronto, waqtina uma aysan helin inay sheekadeeda la wadaagto warbaahinta ilaa laga soo gaaray isbuucan.


Waxaa looga yeeray Uganda - halkaasoo ay tababar ku siineysay shaqaale maxalli ah - markii ay taariikhdu ahayd 18-kii December.


Duullimaadkii ay waddankeeda ugu socotay, waxaa jirtay qeylo dhaan kale oo lagu raadinayay inuu qof dhakhtar ah saaran yahay diyaaradda.

"Nasiib wanaag, dhakhtar kale ayaa laga helay diyaaradda," ayay tiri Dr Khatib oo qosleysa.


"Waxaan ku dhahay: Markan waa adiga. Aniga cunug ayaan dhaliyay labo isbuuc ka hor. Haddii aad ii baahatid waxaan fadhiyaa kursiga 25A."

 

BBC

Loading...
Loading...