Somaliland oo gashay xaalad deg deg ah iyo wararkii ugu dambeeyay

0
Saturday January 15, 2022 - 08:34:40 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 2171
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland oo gashay xaalad deg deg ah iyo wararkii ugu dambeeyay

    "Waxa dalka ka jirto xaalad abaareed oo saamaysay dhamaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxa dalka ka jirto xaalad abaareed oo saamaysay dhamaan


Somaliland ayaa gashay xaalad deg deg ah, kadib markii xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ay ku dhawaaqday in abaarta deegaanadaas ay mareyso meel adag.


Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Saylici ayaa shalay shaaciyay in abaaro ay ku dhufteen dad hal Milyan ku dhaw oo ku kala nool lixda gobol ee ugu waaweyn Somaliland.



"Waxaa halkan u soo joogsanay haddii aanu nahay guddidii gurmadka abaaraha in aanu ku dhawaaqno in abaartii meel adag marayso, ka dib markii roobkii gu’gu uu teel teel ku ahaa qaybo kamid ah dalka,” ayuu yiri.

"Waxa dalka ka jirto xaalad abaareed oo saamaysay dhamaan gobollada dalka, sida Sool, Sanaag, Togdheer, Saaxil, Howdka Maroodi-jeex iyo Xeebta Gobolka Awdal, qiimaynta lagu sameeyay abaarta, waxay si toos ah u saamaysay dad gaadhaya, 810,000 (sideed boqol iyo toban kun).”

Guddida qaran ee abaarta Somaliland ayaa waxay bilaabeen howlaha gurmadka abaarta iyaga oo qaaday tallaabooyin kala duwan, kuwaasi oo kala ah:


Howl-galinta guddida farsamo oo ka kooban wasaaraddaha xubnaha ka ah guddida abaarta iyo hay’adda NADFOR oo daraasad ku sameeyey xaaladda abaarta ee dalka ka jirta guud ahaan, kana soo diyaariyay war-bixin dhammaystiran oo la xidhiidha xaaladda abaarta ee dalka.

Dayactirka iyo kicinta ceelasha dhaadheer ee biyaha kuwaasi oo ay tiradoodu dhamayd 41 ceel, kuwaasi oo ku yaalay goobaha biyo yaraantu ay ka jirto gaar ahaan gobolada Bari.

Waxa biyo-dhaamis ay ka bilaabeen booyadaha dawladdu gobolada Togdheer, Sanaag, Sool iyo Maroodijeex.
Waxa hay’adda NADFOR diyaarisay kayd-raashin ah oo loogu talo galay dadka abaartu saamaysay.

Sidoo kale waxay ku dhawaaqeen in maanta laga bilaabo cid walba oo doonaysa inay wax ka qabato abaarta dalka ay waajib tahay inay soo marto guddida gurmadka abaarta.

Xukuumadda Somaliland ee Madaxweyne Muuse Biixi ayaa si wax looga qabto xaaladdan waxay u qoondaysay kharash dhan $ 3,000,000 Milyan (Saddex Milyan oo Doolar) oo lagu talogay Raashin, biyo-dhaamis iyo kicinta ceelasha xumaaday.

Loading...
Loading...