Doorashada Guddoomiyaha Guddiga FEIT Iyo Ku-Xigeenkiisa Oo Maanta Dhaceysa

0
Saturday January 15, 2022 - 08:23:18 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 861
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Doorashada Guddoomiyaha Guddiga FEIT Iyo Ku-Xigeenkiisa Oo Maanta Dhaceysa

    Saacadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa la sheegay inay dhaceen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saacadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa la sheegay inay dhaceen


Waxaa Maanta oo sabti ah lagu wadaa in Xarunta Teendhada Afisyooni ee xeyndaabka Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ka dhacdo doorashada Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka heer Federaal iyo ku-xigeenkiisa.


Xubnaha qaban-qaabada doorashada ayaa diiwaan-geliyay Musharaxiin dhowr ah oo u tartamaya xilka Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka heer Federaal iyo ku-xigeenkiisa, kuwaasi oo ka tirsan isla Guddiga doorashada Federaalka.



Saacadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa la sheegay inay dhaceen kulamo siyaasadeed oo ku aadan doorashada Maanta ka dhaceysa Xarunta Teendhada Afisyooni, waxaana la tilmaamay in loolan adeg loogu jiro xilka Guddoomiyaha Guddiga doorashada.


Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan inuu socdo Mooshin xilka looga qaadayo Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga doorashooyinka heer Federaal Mowliid Mataan Salaad, iyadoona la dooran doono Guddoomiye cusub iyo ku-xigeenkiisa.


Loading...
Loading...