Dhalinyarada Beelwaynta Garxajis Oo Soo Saaray War-murtiyeed Ay Kaga Hadlayaan Xaalada Dalka
14-Jan-2022, Hargeysa, Somaliland.
BISMILLAAH
Annaga oo ah dhallinyarada, aqoon yahanka iyo haldoorka beel weynta Garxajis, waxa aannu qoddobbo ka soo saarnay xaalladda siyaasadeed ee dalka Somaliland.
18kii-May-1991-kii,
waxa magaalada Burco lagaga dhawaaqay dib ula soo noqoshada madax banaanida
Somaliland oo ahaa go,aanka iyo dareenka mideysan ee shacbiga Somaliland iyo
halgan dheer oo shacbigu soo galay.
Gooni isutaagga
Somaliland waxa sabab u ahaa dulmi iyo cadaalad xumo ka dhalatay midowgii
Somaliland iyo Somalia. Mudadii madaxwayne muuse qabtay taladda Somaliland waxa
uu abuuray kala qaybsanaan iyo kala irdhayn bulsho.
Waxa intaas u dheer
in Madaxweyne Muuse bilaabay ku xadgubka dastuurka iyo xeerarka dalka oo ka
leexday nidaamka dimquraadiga iyo doorashooyinka ee ummaddu heshiiska ku ahayd
dalkana geliyey khakhal siyaasadeed. Intaa kaddib, waxa aannu soo saaray
war-murtiyeedkan:
1. Waxa aannu si
buuxda u taageersanahay madax banaanida iyo midnimada dalkeenna Somaliland.
2. Waxa aannu si
buuxda utaageersanahay war-murtiyeedkii beel weynta Garxajis soo saartay
10-kii-Jan-2022-kii.
3. Waxa aannu si
buuxda u taagersanahay go'aan kasta oo ay qaataan axsaabta mucaaradka ahi ee ay
kaga soo horjeedaan dastuur jebinta, xeer jebinta iyo khalkhal gelinta
siyaasadda, amniga iyo midnimada Somaliland.
4. Waxa aannu si
buuxda u cadaynaynaa in cidda keliya ee meteli karta kuna hadli karta afka
beesha ay tahay Guddida Guud ee Garxajis ee loogu doortay gacan libaax 2018kii.
5. Waxa aannu u soo jeedinaynaa
in aan maxkamadda dastuuriga ahi qayb ka noqon muranada siyaasadda lana dhawro
madax banaanideeda.
6. Waxa aannu si
buuxda u taageeraynaa in doorashada madaxtooyada JSL lagu qabto xiligeeda
13-Nov-2022 saddexda
xisbi qaranna oo keliyina xaq u leeyihiin in ay u tartamaan, taas oo waafaqsan
dastuurka iyo xeerarka dalka u yaalla.
7. Waxa is xasuusin
mudan in Madaxweyne Muuse ku yimid doorasho sidaana madaxweyne ugu noqday intii
codka siisay iyo intii ka codaysayba. Dastuurka ayuu Muuse Biixi Cabdi madaxweyne
ugu noqday tiradii badnayd ee ka codaysay ilaa haddana ugu yahay. Dastuurkii
madaxweynaha ka dhigay haddii uu ka leexdo isaga ayaa kalsoonidii iska lumiyey
mana jirto wax kale oo uu madaxweyne ku noqon karaa.
8. Waxa aannu ugu baaqeynaa shacbiga Somaliland in ay ilaashadaan midnimada, wadajirka iyo horumarkooda, isla markaana ay meel uga soo wada jeestaan cid kasta oo ku xadgudubta dastuurka iyo xeerarka dalka.
ALLAH MAHADLEH