Xukuumada Somaliland Oo Ka Warbixisay Waxa Sababay Korodhka Qiimaha Maciishadda
Hargaysa (HWN): Wasiirka wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland Maxamuud Xasan Sacad Saajin, ayaa sheegay in kor u kaca ku yimid qiimaha maceeshadda darruuriga ah ee la quuto ay tahay mid aynu kala siman nahay caalamka.
Taasoo ay sababtay in kadib markii uu dunidda ka dhacay xanuunka Coronavirus, in dadkii beeralayda ahaa ee wadamadda wax soo saarka leh in ay guryaha ku xeroodeen oo ay joojiyeen ka shaqyantii beeraha.
Wasiirka ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland waxa uu sidan ka sheegay barnaamijka Bandhigga Waxqabadka iyo isla-xisaabtanka xukuumadda iyo Bulshadda, ee telefishanka qaranka Somaliland oo uu xalay wasiir Saajin, marti ku ahaa.
"Dunida xanuunka Coronavirus, wuxuu ka jiraa laba sannadood. Markii uu Corona dhacay, dadkii beeralayda ahaa way wada xeroodeen, oo guryaha ayay ku xeroodeen. Kadibna wax soo saarkii hoos ayuu u dhacay. Markii guryaha laga soo saaaray, badeecadihii suuqyadda yaalay ayaa yaraaday.
Koonteenaradii wax lagu soo raran jiray na kiradoodii aad ayay u qaaliyowday. Saddex jibaar ayay noqdeen qiimahoodu. Korodhkaasi qiimaha maceeshadda, daba-gal ayaanu ka samaynay, oo koox wasaaradda ka tirsan ayaanu u xil saarnay. Kooxdaasi maalin walba soo eega qiimaha suuqa laga siinayo maceeshadda, iyo siday ganacsatadu qiimaha ugu kala duwan yihiin”ayuu yidhi wasiirku.
Wasiirka wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska waxa kaloo uu ka hadlay arrinta la xidhiidha in shirkadda DP World ee maamusha dekadda Berbera inay kordhisay qiimaha lagu dejiyo Koonteenaradda.
Waxaanu yidhi,"Heshiisku shirkadda DP World wuxuu siinayay labadii sanadood ba in ay tacriifadda dib u eegi karto. DP World waan ku ixtiraamaynaa heshiiska aan la galnay. Kiintaalka Bariiska ah, waxaa la kordhiyay, 0.05 dollar.Koontaynarka, waxaa la kordhiyay 40 dollar, halka markii hore uu intaa ka badnaa”.
Sidoo kale wasiir Maxamuud Sacad Saajin, waxa kaloo uu ka hadlay waxyaabaha sababay korodhka qiimaha maciishadda la quuto, iyo sidoo kale Shiidaalka, "Wax soo saarka dalkeena waa in aynu innagu wax la soo baxno, 95% waxaan isticmaalno wadamo kale ayaa beerta. Inangu waxba uma iib gayno adduunka. Isku-dheeli tirka gaancsiga ee waxyaabaha aad la soo degayso iyo waxyaabaha aad dhoofinayso, ayaana wax lagaga qaban karaa.
Wasaaraddu waxay ku dedaashay wax ka qabashada caqabadihii ka jiray diiwaan-gelinta Ganacsiga. Shiidaalka waxaanu ugu nimid 15000 Kun oo shillin halka Litir, imika na wuxuu marayaa 0.68 Dolar, oo aan wadamadda innala jaarka ah la qiimo noqono” ayuu yidhi wasiir Saajin.