Xukuumada SLAND Oo Loo Soo Jeediyay In Ay Baadhis Ku Sameyso Shirkada Dp World

0
Friday January 14, 2022 - 18:19:02 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1041
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada SLAND Oo Loo Soo Jeediyay In Ay Baadhis Ku Sameyso Shirkada Dp World

    "waxaa waajib ku ahaa Dp World in ay sannad kasta soo bandhigto"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"waxaa waajib ku ahaa Dp World in ay sannad kasta soo bandhigto"

Hargaysa (HWN) Xildhibaan Cabdillaahi Yuusuf oo ka tirsan golaha wakiiada Somaliland ayaa xukuumada Somaliland usoo jeediyay inay baadhis ku samayso qaab xisaabeedka shirkada Dp World.



"Shirkadda Dp World muddo shan sannadood oo  ay gacanta ku haysay Dekedda Caalamiga ah ee Berbera Qaranka Somaliland umay soo bandhigin khasaare iyo faa'ido waxay la kulantay.


Iyada oo markii hore Qaranka Somaliland uu layimi Dekeddii hore iyo dhulka laga dhisayo Dekedda Cusub faaido ahaana helno 35%, Halka ay DP World na latimi dhiska Dekedda cusub iyo qalanaynteeda heshona hesho 65%.


Sidaa darteed waxaa waajib ku ahaa Dp World in ay sannad kasta soo bandhigto khasaare iyo faa'ido wixii ay la kulanto.


Sidaa awgeed waxaan xukuumada cod dheer ugu sheegayaa in shantaa sanno ee dhamaatay baadhis rasmi ah lagu sameeyo qaab xisaabeedka shirkadda Dp World isla markaana golayaasha Qaranka loo soo bandhigo.


Shirkada DP World na waxaan usoo jeedinayaa in aanay suuro gal ahayn Shacabka Somaliland oo duruufo adag oo ay kamid yihiin Sixir Barar iyo Abaaro kujira in ay lacagta kordhiyaan”.ayuu qoraal uu baahiyay ku sheegay  Xildhibaan Cabdilaahi Yusuf Axmed

Loading...
Loading...