Xildh. Ka Hadlay Mudaharaad Lagaga Soo Horjeedo Safarka Muuse Biixi Ee Maraykanka

0
Friday January 14, 2022 - 10:41:37 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 3720
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildh. Ka Hadlay Mudaharaad Lagaga Soo Horjeedo Safarka Muuse Biixi Ee Maraykanka

    "Sidaa awgeed facilada dhammaantood lama wada sharaysto"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Sidaa awgeed facilada dhammaantood lama wada sharaysto"

Hargaysa (HWN) Xildhibaan Khadar Cali Xakiin oo ka tirsan Golaha wakiilada Somaliland ayaa sheegay in haddii Muuse Biixi lagag mudaharaado Maraykanka ay faa’iido ugu jirto Somaliland.

 

Xildhibaanka oo ka hadlaya safar la sheegay in Muuse Biixi ku tagayo Maraykanka ayaa yidhi :-

 

"In Madaxweyne Muuse Biihi Abdi lagaga mudaharaado Maraykan waxay kor u qaaday fariinteena siyaasadeed, waayo dadwaynaha maraykankanka ayaa is waydiin muxuu ahaa Madaxweynahan lagu mudaharaadayaa?



Jawaabta ayaa noqonay waa Madaxwyne Dal aan la aqoonsan....!!! Suaasha ka Danbaysa ayaa noqonay Dee Maxaa loo aqoonsanwaayey? Waxa dhalanaysa Cilmi Baadhayaan Caalami ah oo arintani Cariso oo ku dhiirigeliso inay ogaadaan Xaqiiqda dhabta ah, hadii la ogaado Xaqiiqda dhabta ahna waxaynu kusii dhawaanaynaa Yoolkeena.


Sidaa awgeed facilada dhammaantood lama wada sharaysto, waxa suuragal ah arin si kuula muuqataa inay weji kale yeelato....!!!


Waxaan kayaabi inay sidan u fahmaan oo mudaharaadkaba inaga Joojiyaan.” Xildhibaan Khadar Cali Xakiin

 

Loading...
Loading...