Madaxweyne Saciid Dani oo la kulmay Guddiga KMG ah ee doorashooyinka

0
Friday January 14, 2022 - 10:11:45 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 635
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Saciid Dani oo la kulmay Guddiga KMG ah ee doorashooyinka

    Kulanka waxaa ka qeybgalay Guddoonka cusub ee Guddiga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulanka waxaa ka qeybgalay Guddoonka cusub ee Guddiga


Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC), Kulanka ayaa looga hadlay dhismaha Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Qardho, Ufeyn iyo Eyl iyo sidoo kale dardargelinta Doorashada in laga qabto degmooyinka kale ee Puntland.


Kulanka waxaa ka qeybgalay Guddoonka cusub ee Guddiga Doorashooyinka TPEC, Guddoomiye Mudane Cabdirisaaq Axmed Saciid , Guddoomiye Ku-xigeen Mudane Cali Jaamac Faarax, xubnaha kale ee Guddiga iyo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad.

Shirkii Golaha Wasiirada ee shalay ayaa looga hadlay dardargelinta nidaamka Dimuqraadiyadda Puntland, Iyadoo Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni faray dhammaan Hay’adaha Dowladda in Guddiga Doorashadda lagala shaqeeyo dhameystirka nidaamka dimuqraadiyadda Puntland oo laga wada hirgelinayo dhammaan degmooyinka Puntland.

Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland ayaa horay waxaa degmooyinka Qardho, Ufeyn iyo Eyl uga qabteen doorashooyinka qof iuo Cod ee Ururada Soyaasadda Puntland.
Loading...
Loading...