Ruux Cagaha La Hayaa Ma Cararaa ( Abdi-Shotaly}?

0
Friday May 24, 2019 - 14:24:50 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1459
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ruux Cagaha La Hayaa Ma Cararaa ( Abdi-Shotaly}?

    Cajebooy, caiibeey, hore buu u yidhi, Abwaan Qaasim (IHUN) " Cadceed soo baxda-ba noole,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cajebooy, caiibeey, hore buu u yidhi, Abwaan Qaasim (IHUN) " Cadceed soo baxda-ba noole,

waa ku cibro qaataaye, waaggii cadaadaa-ba, waa caynad gooniyahe, haddii cadar cadceed lagu dhex daro, wayska cidin-ciide, xidigahan casaadiyo dayaxan, caadka lagu meershay, cilmi-felega wuu garan, raggii caalimka ahaaye, caamadu waxay moodayaan, curasho dayreede, anigaas-e mooradan cakiran, kuu cadayn kara'e, calan-kood jab duulkii shabcigan, cunay waxoo-diiye" waa sidaase uu abwaanku inoo binii-xiyeye, Saaka waxan idin waydiiyey su'aasha ah " Ruux cagaha la hayaa ma cararaa?" Haduu-se isku dayo-ba ilaa intee buu gaadhi karaa? Waa su'aal aan ka rabo akhrista-yaasha jawaab-teedda. Aan ku soo dhawaado'e, nin baa laga hayaa " Ku qariyey, qariyey ee gun cade", Askartii iyaka baa isi soo dabray, iyadoon meel kale-ba looga iman, geed sare waabkii, beentiyo nux-nuxddii, la iskala daba wareegaayey, ciiro isku qarintii, tolaayeey iyo yaa reer hebel ah-ddii, khiyaaliggii iyo anshx xumiddii qudhmiye, uu ku beer-laxawsan jirey ummadda ( Ucid Wax jira maahee), wax ay sameeyaan oo hadana meel kale, farta ugu fiiqaan muwaadi-niinta, oo yidhaah-daan anaka maaha ee waa Waddani, saaka bay wixii-ba isi soo gabeen, oo mar qudha ay dhulka soo galeen, bash yidhaahdeen siddii beed jabay, iyaka oo lagu hayo heshiis iyo wadda hadal qarsoodiya, oo ay kula jiraan Somaliya, wixii ay dafiri jireen, inta wax walba loo soo saxeexo, hadana ay afka boodhka soo marsan jireen, siddii digaagad afka ka gubtay, hora-se loogu maah-maahay, beeni lug keliya bay leedahay, taana marka la qabto bay kuftaa, ilayn cago ay ku socoto oo kale ma laha'e. Ujeedo iyo haatan aan idiin soo ban-dhigo halka ay islaantu adhiga uga lis kari wayday agoontee, ku soo ruqaan-sadda xaqiiq-ddii waa tane.



Murti baa ahayd " Wadaadaw anaku ku sheegi-mayno'e, bal yaanu camal-kaagu ku sheegin", wax la dhoodhoobo been-ba, saaka bay runtii ku qaraxday askartii, oo ay geeri iyo mag la'aan gawaanka saran yihiin. Maah-maah carbeed baa waxay tidhaahaa "Ahrub al-sanah, wa amsik al-yoom" oo micna-heedu yahay, Sanad orod ama carar ama baxso, maalin uun baa lagu qabane, oo gacanta lagugu soo dhgigi donaaye. Hadaba akhristaw beentii Qudhmiye, waxay wareegto-ba maanta bay cadeedda hoos timi iyadda oo kooraysan, ee hoo waa tan waaqici-giiye. Ceeb kama dhawr-sadaha Dhako finish, waa Geenyo shaaximane iyo Faysal Zaad, Dhux-dhux-laha isna sheekha isku ekaysiiya, ee jano-ka-bood ( waa kay ugu yeedhaan samaale'e), iyo daba-dhilif-yaddii ay ku gabraaran jireen oo dhawwr ah, baa waxay tageen Dalka kiiniya, iyaka oo ka hadhsan kari waayey, Gudoomiyaha Xusbiga Waddani oo qarxiyey, been ay ku af rogeen safiirka ingiriiska u fadhiya, wixii beriggii hore la isku odhan jirey Somaliya, waa casriggii u dhexeeyey 01/07/1960 ilaa maalintii uu af-la-haarkii ina bare dabadda rogtay. hadaba iyaka oo labadda Urur ee Qudhmiye iyo Ucid, ay u tageen Nayroobi ( Kiiniya) in ay been kale ku soo akhriyaan, waxa ay ugu yeedhaan deeq-bixiya-yaasha doorashooyinka. baa kharistaw iyaba waa mina-laahiye, xagga samadda laga kashifay, oo wixii ay ku masabidi jireen Waddani, rabbi shaaca ka qaaday iyaka oo faraha kula jira, oo ay wadda fadhiyaan Somaliya, cadayn-tiina waatan ee hoos ka akhri.


Macaan jecesha aan sare magacya-doodda ku soo sheegay, waxay si cad oo badheedh ah, ay ugu baadhsho tageen, iyaka oo saxeex kale ka raba Somaliya, baa waxay u sii mareen, oo la kulmeen Xusbi ku sheeg mucaarid ah, oo ka socdda Maamulka Farmaajo ee Mareexaan, Gudoomiyaha xusbi-gaas oo la yidhaaho mudane Cabdiraxmaan Cabdi Shukuur, kulan-kaas oo ka dhacay Nayroobi ( Waa caasimadda dalka Kiiniya'e). waxa aad ka wadda daawanay-seen war-baahinta, iyaka oo wadda afuraaya Inta aan sare ku soo sheegay iyo Gudoomiyaha Xusbiga Mucaaridka ah, ee Maamulka Farmaajo ka soo hor jeedda. waxan uga socdaa hadaba " Hadhaw bay odhan, layma heesin, Layla-ma hadlin, doob hurday helay" iyo kiis iska waal ah denbi ay leeyihiin, in ay cid kale oo ka nadiif ah ku sheegaan, waxan ku soo xidhay qoraalkan. Waxa la yidhi " Madala markhaati baa la dhigtaa, hadala milgi-hiisa baa laga maraaye. Waxa aan doonayaa in aan ummadda u soo ban-dhigo, yaa xidhiidh la leh Somaliya? Ee ay wax u soo saxeexaan? Ma ururadda Qudhmiye iyo Ucid? Mise Waddani? Allay-lehe inteedaan ku sugay aradka gaaroodi, ee saaka qod baa dhacay lagu ceeshi jirey, wixii la qarinaayey-na uu Eebbe dufaano u soo direy, ka qaadda beentii lagu haddoodi-laayey, oo ay cidla taagan yihiin, maantana maxay odhan doonaan labaddii beenaale? Waa askarta madhan, ee aan shaadh-koodda lagu jirine, wax walba walaaqa-nayee, ee jirjir-cadka ka rogay dalkii iyo dad-kiiiye.


* N.B Madala markhaati baa la dhigtaa, hadala

milgi-hiisa baa la mariyaa.

Qore: Abdi-shotaly.

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...