Jaamac Shabeel Oo Sheegay In KULMIYE Ka Baqayo Doorashada & Sababta

0
Thursday January 13, 2022 - 22:52:19 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1648
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jaamac Shabeel Oo Sheegay In KULMIYE Ka Baqayo Doorashada & Sababta

    "sidaas awgeed ayuu Xisbiga talada haya ee Kulmiye uga baqayaa..."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"sidaas awgeed ayuu Xisbiga talada haya ee Kulmiye uga baqayaa..."

Hargeysa (HWN) – Siyaasi Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac-shabeel), ayaa tilmaamay in Xisbiga Waddani yahay Xisbiga ugu ballaadhan uguna taageerada badan, sidaas awgeedna uu Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye uu ka baqayo inuu tartan toos ah la gal.

 

Siyaasi Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac-shabeel), oo Shalay Warbaahinta la hadlay, ayaa isagoo arrimahaa faahfaahinaya wuxuu yidhi "Xisbiga Waddani, waa Xisbiga ugu ballaadhan, uguna taageerada iyo cududa badan dalka, waxaana xaqiiqo ah in Xisbiga Waddani deegaan kasta, gobol kasta, tuulo kasta iyo magaalo kasta oo dalka ka tirsan taageerayaasha ugu ballaadhan ku leeyahay”.

 

Mar uu ka hadlayey Xisbiga Kulmiye wuxuu yidhi "Dadku  waa is-beddel doon, waxaana xaqiiqo ah in haddii maanta Doorasho dalka ka dhacdo in Xisbiga Waddani guulaysanayo, sidaas awgeed ayuu Xisbiga talada haya ee Kulmiye uga baqayaa inuu Doorasho galo, markaa waxaan leeyahay Kulmiye haddaad wax isla hayso Doorashada u badheedh, Xisbiga Waddani hadalo iyo dacaayado laga fidiyo waxba yeeli maayaan”.

 

Jaamac-shabeel ayaa hore u ahaa Xoghayaha Golaha dhexe ee Xisbul-xaakimka KULMIYE.


Loading...
Loading...