Wasaaradda Gaadiidka oo Qaaday Tallaabo lagu yareynayo Shilalka Gaadiidka

0
Thursday January 13, 2022 - 19:05:25 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1094
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Gaadiidka oo Qaaday Tallaabo lagu yareynayo Shilalka Gaadiidka

    Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo H. Jidadka Md. Axmed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo H. Jidadka Md. Axmed



Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland,, oo kaashanaysa Ciidanka nabad-galda wadooyinka, ayaa maanta gobollada dalka ka bilowday, hubinta iyo fullinta shuruucda kala duwan ee waddo-marista.



Si gaar ah waxaa loo hubinayaa in darawal kastaa Liisan leeyahay, in gaadhiga kasta la hubiyey Badqabkiisa oo sumaadii BBG uu leeyahay, in qalabka Xawaaraha Xadida ay ku xidhan yihiin gaadiidka rakaabka qaada.


Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo H. Jidadka Md. Axmed Abokor Maxamed, oo ay weheliyaan saraakiisha ciidanka nabadgalyada wadooyinka, iyo qaar ka mid ah masuuliyiinta Wasaaradda, ayaa soo kormeeray Kaantaroollada caasidammada Hargeysa, halkaas oo lagu hubinayo baabaarta u baxaya gobollada kalee dalka.


Agaasimaha Waaxda Gadiidka ee Wasaaradda Gaadiidka Md. Muuse Yuusuf Ibraahim, ayaa ka war bixiyay talaabadan ay qaaday Wasaaraddu in ay tahay mid dhammaan gaadiidka dalka lagu fulinaayo.


Taliye ku xigeenka Ciidanka nabadgalyada wadooyinka oo halkaas ka hadlay ayaa isna sheegay in ay fulinayaan shuruucda iyo awaamiirta ka soo baxay Wasaaradda Gaadiidka, islamarkaana aanu gudbi karin gaadiid aan fulinin shuruucda kala duwan ee wadamarista.


Agaasimaha guud ee wasaarada gaadiidka mudane Axhmed Abokor Maxamed, ayaa isna sheegay in ahmiyada koowaad la siinayo ilaalinta iyo badqabka nafaha shacabka Somaliland.


Talaabadanna ay kamid tahay yaraynta shilalka xad-dhaafka noqday, ee sannadihii u danbeeyay ku soo badanayay guud ahaan gobollada dalka Somaliland.


Agaasimaha Guud waxa uu fariin gaar ah u diray shirkadaha basaska ee rakaabka qaada , booyaddaha iyo baabaaurta waawayn ee xamuul inay hormuud ka noqdaan fulinta shuruucda wadamarista.
Loading...
Loading...