Madaxweyne Farmaajo oo khadka teleefoonka kula hadlay Madaxweynaha golaha Madaxtooyada Liibaiya

0
Thursday January 13, 2022 - 17:09:20 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 784
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo oo khadka teleefoonka kula hadlay Madaxweynaha golaha Madaxtooyada Liibaiya

    Labada Madaxweyne ayaa isla qaatay adkeynta xiriirka soo jireenka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Labada Madaxweyne ayaa isla qaatay adkeynta xiriirka soo jireenka


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo khadka taleefoonka kula xiriiray Madaxweynaha Golaha Madaxtooyada Liibiya Mudane Dr. Maxamed Yuunis Al-Manfi ayaa uga mahadceliyey doorkii uu ka qaatay dib u soo celinta Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xanibnaa gudaha dalka Liibiya. 


Labada Madaxweyne ayaa isla qaatay adkeynta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada shacab ee walaalaha ah iyo iskaashiga labada dowladood ee dhinacyada ammaanka, xasilloonida Mandiqadda iyo la dagaallanka argagixisada iyo Tahriibka.

Dr. Maxamed Al-Manfi ayaa tilmaamay ixtiraamka iyo qadarinta ay shacabka Liibiya u hayaan walaalahooda Soomaaliyeed, isaga oo xoojiyey ballan-qaadkiisii ku aaddanaa Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xaniban gudaha dalkiisa. 

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay sannadihii la soo dhaafay dadaal xooggan ku bixisay dib u soo celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku jiray xabsiyada shisheeye, iyada oo haatan qaar badan oo ka mid ah ay si xorriyad iyo karaamo leh ugu noolyihiin dalkooda. 
Loading...
Loading...