Ciro Oo Sheegay In Muuse Biixi Caado Ka Dhigtay Cabudhinta Iyo Caga Juglaynta Shacabka
Hargaysa (HWN) Musharaxa madaxwayne ee Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Ciro ayaa dhaliilo culus oo kala duwan usoo jeediyay Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxaanu ciro sheegay in uu Muuse Biixi ku tuntay sharciga dalka.
Ciro ayaa sidaasi ku sheegay qoraal uu baahiyay oo udhignaa sidan:-
Xukuummadda Madaxweynaha xilkiisu dhammaanayo ee
Muuse Biixi, waxa ay caado & dhaqan ka dhigatay cabudhin, cago-juglayn iyo
cadaadis joogta ah, oo ay u geysanayso dhammaan muwaadiniinta heer kasta oo ay
yihiin. Abwaanno, jilayaal, qoraayo, weriyayaal, macalimiin, madax-dhaqameed,
siyaasiyiin iyo haldoorka kale ba in la cabudhiyo, la xidho, la argagixiyo,
xuquuqaadkooda lagu tunto; mushaaharaadkii ay xaqa u lahayeen laga goosto iyo
in shaqooyinka laga caydhsho.
Soomaalidu waxa ay lee yihiin murti tidhaahda, "Islaantii indho-la'aan ma ku ogayd, dad cunnimana ku darsatay". Xukuummadda Muuse, waxa ay bilowday xaajo ugub ah, oo dimuuqraadiyadda iyo xorriyatul qawlkaba ku ah gef weyn; waa in Guddoomiye Xisbi Mucaarad looga yeedho Xarunta Dambi-baadhista(CID), iyada oo looga gol lee yahay in la is hortaago baraarugga bulshada iyo doonista shacabka, ee is beddelka, oo is gaadhay dhammaan Gobollada Dalka.
Isku daygaas Xukummadda Muuse ku beegsanayso
Xisbiyada Mucaaraadka, waxa ugu dambeeyey isku daygii ka dhacay magaalada
Burco, ee Xarunta Gobolka Togdheer. Isku day lagu doonayey in laga hor istaago
Hoggaanka Xisbiga WADDANI iyo anniga oo ah Murashax Madaxweybe in ay la kulmaan
bulshada magaalada Burco, ee is beddelka u oomman. Waa ayaan darro weyn in
Muuse baabi'yey karaamadii iyo haybaddii hay'adaha Dowladnimada iyo laamihii
ammaanka, oo uu ka dhigay kuwo lagu beegsado shacabka qeybihiisa kala duwan,
Xildhibaannada, Siyaasiyiinta iyo Xisbiyada Mucaaraadka ah hoggaankooda.
Muuse waa uu ogyahay in uu ku ololeeyey sarreynta sharciga, waana og yahay in sharci darrada iyo ka tallaabista xayndaabka dawladnimada ay horseed u noqon karto fowdo iyo amni darro Somaliland aanay maanta u baahnayn, Muusow' Ciidamadu waa kuwa amnigeenna suga, waa kuwa cadowga innaga ilaaliya, ha siyaasadeyn Ciidanka.
Somaliland ha waarto.
Murashax cirro.