Raysal Wasaaraha Ingiriiska Oo Ku Dhawaaqday Inay Is Casishay Iyo Wakhtiga Ay Xafiiska Banaynayso Oo Ay Cayintay

0
Friday May 24, 2019 - 14:10:51 in News by
  • Visits: 2579
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raysal Wasaaraha Ingiriiska Oo Ku Dhawaaqday Inay Is Casishay Iyo Wakhtiga Ay Xafiiska Banaynayso Oo Ay Cayintay

    Raysal Wasaaraha Ingiriiska Oo Ku Dhawaaqday Inay Is Cashishay Iyo Wakhtiga Ay Xafiiska Banaynayso Oo Ay Cayintay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Raysal Wasaaraha Ingiriiska Oo Ku Dhawaaqday Inay Is Cashishay Iyo Wakhtiga Ay Xafiiska Banaynayso Oo Ay Cayintay

Theresa May ayaa sheegtay in ay ka dagayso xilka hoggaanka xisbiga Conservative-ja 7-da bisha June, taas oo u gogol xaadhaysa tartan loo galo cidda noqonaysa Ra'isulwasaaraha Britain ee cusub.

Hadal jeedin qiiro leh oo ka samaysay xafiiskeeda Downing Street hortiisa ayay ku sheegtay in ay isku dayday wax kasta oo karaankeeda ah oo ay hubaal uga dhigi lahayd in la fuliyo go'aankii ka bixitaanka Midowga Yurub ee lagu gaadhay aftidii dadweynaha ee la qaaday kal hore.



Waxa ay sheegtay in ay Ra'isulwasaare sii ahaan doonto illaa xisbigeeda uu ka qabsanayo doorasho madaxtinimo.


Ra'isulwasaaraha ayaa la kulantay cadaadis iyo dhaleeceyn la xidhiidha kulantay qorshaheedii ugu dambeeyay ee ku saabsan barnaamijka Brixit oo ah mid muran badan dhaliyay. Dadka welwelka ka qabay qorshahan waxaa ka mid ahaa xoghayaha arrimaha gudaha Sajid Javid iyo kan arrimaha dibedda Jeremy Hunt.


May ayaa tiri "Waxaa kaliya go'aan wadar ogol ah la gaari karaa marka dhinacyada oo dhan ay tanaasulaad sameeyaan".


Waxa ay sheegtay in wax niyad xumaan ah aysan xilka uga degin, iyada oo sharaf iyo karaamo ku sheegatay in ay qabato xilka ugu sareeya dalkaaas.

Image result for theresa may

"Waxaan ahaa Ra'isulwasaarihii labaad oo dumar ah, balse ma noqon doono tii ugu dambeysay" ayay tiri May oo hadalkeeda ay ka muuqatay qiiro iyo himbiriirsi.


Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka Jeremy Corbyn ayaa sheegay in ay wax wanaagsan ahayd in ay xilka iska casisho.


Siyaasiyiin badan ayaa ku ammaanay go'aanka ay qaadatay Ms May, sheegayna in ay ahayd hoggaan tusaale wanaagsan ah.



Source:-BBCsomali
Loading...
Loading...