DEG DEG Madaxweyne Muuse Biixi oo Marti Qaad ka Helay Dawladda Maraykanka

0
Wednesday January 12, 2022 - 09:23:40 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 3892
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG Madaxweyne Muuse Biixi oo Marti Qaad ka Helay Dawladda Maraykanka

    Kulan aan dhawaan la yeelanay aniga iyo madaxweynuhu wefti ka socday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulan aan dhawaan la yeelanay aniga iyo madaxweynuhu wefti ka socday




Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi,ayaa safar shaqo oo rasmi ah ku tegaya dalka Maraykanka ka dib markii uu martiqaad rasmi ah ka helay dawladda wadanka Maraykanka.



Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamuud, ayaa sheegay in Madaxweyne Biixi uu safar ugu baxayo dalka Maraykanka bisha saddexaad ee sannadkan 2022.

"Kulan aan dhawaan la yeelanay aniga iyo madaxweynuhu wefti ka socday dawladda maraykanka ayaa waddada usii xaadhaya safar uu madaxweynuhu ku tegayo dalka Maraykanka bisha saddexaad ee sannadkanā€¯ ayuu yidhi wasiirka oo shalay hortegay golaha wakiillada oo cod aqlabiyad ku ansixiyey.

Dr.Ciise Kayd waxa uu intaa ku daray in Dunida oo dhan uu ka dhaadhicin doono sidii Somaliland Ictiraaf u heli lahayd, isaga oo sheegay in dalku ku yaal bugcad uu caalamku danaynayo.


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa bishii hore kulan la qaatay wefti ballaadhan oo ka socda Congress-ka Mareykanka oo safar shaqo ku yimi Somaliland.


Waxaana kulankaasi lagaga wada hadlay xoojinta xidhiidhka wada shaqayneed ee ka dhexeeya labada dal, arrimaha nabadgelyada mandaqadda, horumarinta Dimuquraaddiyadda, deggenaashaha gobolka geeska Afrika iyo arrimaha siyaasadda
Loading...
Loading...