Somaliland oo laga Hirgelinayo Xarun lagu Qabto Tartanka Jasta ee Afrika

0
Wednesday January 12, 2022 - 09:12:37 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1153
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland oo laga Hirgelinayo Xarun lagu Qabto Tartanka Jasta ee Afrika

    "Xidhiidhka jasta ee adduunku waa mid aad u weyn oo ay ku jiraan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Xidhiidhka jasta ee adduunku waa mid aad u weyn oo ay ku jiraan
Wasaaradda dhallinyarada iyo Ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa wadda qorshe dalka lagaga hirgelinaayo xarun weyn oo lagu talo galay tartanka Ciyaaraha Jasta ee waddamada Afrika.

Agaasimaha guud ee wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha, Cabdirashiid Caydiid Yaasiin oo kulan la qaatay Wakiilka xidhiidhka Jasta ee aduunka oo safar shaqo ku yimi Somaliland ayaa sheegay in xidhiidhkaasi ay ka caawinayaan sidii dalka looga hirgelin lahaa xarun weyn oo lagu qabto tartanka ciyaaraha jasta ee waddamada qaaradda Afrika.



"Xidhiidhka jasta ee adduunku waa mid aad u weyn oo ay ku jiraan waddamo badan oo caalamka ka mid ah, Somaliland jasta waxa ay ka jirta tan iyo 2010kii, waxaanan ka faraxsanahay in xarun weyn Somaliland laga dhiso oo ay maalgashigaa ku sameeyaan, waxa soo jiitay nabadgelyada iyo dimuqraadiyada Somaliland ka jira” ayuu ydihi

Qorshahan Somaliland lagaga hirgelinaayo xarun lagu ciyaaro jasta oo martigelisa waddamada Afrika ayaa waxa wasaaradda Ciyaaraha ku weheliya wasaaraddaha arrimaha debadda iyo maalgashiga.
Loading...
Loading...