Muuse Biixi Oo Al-baabka Ka Xidhay Guddida Doorashooyinka Qaranka Iyo Sababta

0
Wednesday January 12, 2022 - 08:40:58 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2565
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Oo Al-baabka Ka Xidhay Guddida Doorashooyinka Qaranka Iyo Sababta

    "taas ayaana marrag ka ah in Madaxweynuhu uu muddo kordhsi rabbo"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"taas ayaana marrag ka ah in Madaxweynuhu uu muddo kordhsi rabbo"

Hargaysa (HWN) Madaxweyne Biixi ayaa la sheegay inuu baajiyey kulamo uu layeellan lahaa Komishanka Doorashooyinka Qaran,kuwaas oo la xidhiidhay u diyaar garowga iyo dar-dargelinta arrimaha doorashooyinka inagu soo waajahan sannadkan 2022-ka,waxaana arrinta lagu macneeyey in aanu Madaxweyne Biixi diyaar u ahayn doorashada Madaxtooyadda inay sannadkan 2022-ka ay ka qabsoonto dalka,taas oo muujinaysa inuu raadinayo jidkii uu ku heli lahaa muddo kordhinta .

 

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa la sheegay in uu baajiyey kullamo uu layeellan lahaa Guddida doorashooyinka Qaranka,kuwaas oo muddaysnaa badhtamihi bishii November ee sannadkii dhammaaday 2021-ka ,hase-yeeshee uu baajiyey,waxana laggu eedeeyey Madaxweyne Biixi inuu illaa hadda sidaas uga war-wareegayo,taas oo laggu macnaayey mid rafasho ah oo uu kagga gal-galanayo in doorashada Madaxtooyadda ay wakhtigeedii ku qabsoonto.

 

Musharraxa Madaxweyne ee Xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo arrintaas ka hadlay ayaa sheegay in Madaxweyne Biixi sababta uu uga war-wareegayo in uu la kulmo Komishanka Doorashooyinka Qaranka in ay tahay mid la xidhiidha doorashada Madaxtooyadda oo uu diidan yahay Madaxweyne Biixi inuu wakhtigeedii ku qabto,isla markaana uu rejaynayo inuu muddo kordhin helo”Waxa kale oo uu baajiyey kulamadii uu la lahaa Komishanka doorashooyinka qaranka oo aanu illaa maanta la kulmin. tan macnaheedu waxa weeyi in uu dariqii doorashada ka leexday.”ayuu yidhi

 

Musharrax Cirro ayaaintaas ku sii darray "Madaxweynuhu Guddida doorashooyinka Qaranka ayaa doorashada qaban lahaa wuxuu la ballansanaa badhtankii bishii November 2021 ,ilaa haddana uma uu yeedhin oo wuu ka dhacay ,taas macnaheedu waxa weeye ma rabbo diyaar garowgii doorashada in la sameeyo ,taas ayaana marrag ka ah in Madaxweynuhu uu muddo kordhsi rabbo "ayuu yidhi


Loading...
Loading...