Muxuu Yahay Codsiga Muuse Biixi Ee Ay Ku Gacansaydhay Shirkada DP World

0
Wednesday January 12, 2022 - 08:35:34 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2506
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muxuu Yahay Codsiga Muuse Biixi Ee Ay Ku Gacansaydhay Shirkada DP World

    "Dekedda Boosaas waxay hoos u dhigtay 20% cashuurta"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Dekedda Boosaas waxay hoos u dhigtay 20% cashuurta"

Hargaysa (HWN) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa la sheegay in warqad codsi ah uu u diray shirkada DPWORD,taas oo ahayd mid uu Madaxweynuhu kaga dalbanayey shirkadda inay joojiso lacagaha ay kordhisay wakhtigan,hase-yeeshee waxa la sheegay in shirkadda DPWORD ay ku gacansaydhay codsiga uu u diray Madaxweyne Biixi.

 

Xoghayaha arrimaha Bulshadda ee Xisbiga WADDANI Maxamed Sidiiq Dhamme oo arrintaas ka hadlay ayaa qoraal uu ku baahiyey bartiisa facbuuga ku yidhi sidan:-Badheedhaha DPW iyo Baqashada Xukuumadda Biixi !,Toddobaadkii hore Madaxweyne Biixi wuxuu u diray warqad codsiya shirkadda maamusha Dekedda Berbera ee DPW si ay u joojiyaan kordhinta tacriifadaha adeegyada Dekedda oo la kordhiyay qime aanay qaadi karin shacabku, DPW si cad ayay u diiday baaqaa iyo codsigaa Madaxweynaha waxaay ku adkaysteen kordhinta khidmada adeega Dekedda Berbera.”

 

Sidoo kalane Xoghaye Dhamme ayaa qoraalkiisa ku sheegay in kullan dhex maray Ganacsatada dalka iyo wasiiradda Maaliyadda iyo Ganacsiga uu natiijo la’aan ku soo dhammaaday "”Natiijo la’aan aanta waxa ku dhamaaday shir ay isugu yimaadeen 50 ka mid gancasatada iyo Wasaarada Maaliyadda iyo Wasaaradda Ganacsiga, ganacsatadu waxay sheegeen in aanay qiimahaa isku bixinayn badeecaduhu oo ay tahay qiime sare shacabkana la saari karin, waxa la safan DPWORD labada wasaaradood oo aan dhagaysan soo jeedinta ganacsatada.

 

Dhanka kalene Maxamed Sidiiq Dhamme ayaa sheegay in marsada Boosaaso ay hoos u dhigaty cashuurta si ay u soo jiidato macaamiil baddan "Dekedda Boosaas waxay hoos u dhigtay 20% cashuurta alaabta ka soo degta ee imanaysa Somaliland iyadoo fursadda ka faa’ideysanaysa maalmahan u danbeeyay xoogii alaabaha bagaashka waxa laga soo dejinaayay Boosaaso, haddi aanay Xukuumaddu qaadin tallaabo degdega alaabta culus waxay ka soo degi doontaa Jabuuti sidaana waxa ku xidhmi doonta Dekedda Berbera.”ayuu yidhi


Loading...
Loading...